Ingiriiska oo ka fiirsanaya in uu aqoonsado Dowladda Falastiin

Dowladda Ingiriiska ayaa waxay ka fiirsaneysaa suurtagalnimada in markii ugu horreysay ay aqoonsan karto Dowladda Falastiin, taas oo macno u leh in la dejiyo xiisadda tobanaanka sano u dhaxeysay Falastiiniyiinta iyo Israel.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa waxaa saaran cadaadis xoog leh, oo lagaga dalbanayo in uu tallaabo qaado, ka dib markii Israel ay 18-kii bishan ku dhawaaqday in ay ballaarisay ololaheeda militari ee Gaza, iyadoo tanina ay sare u qaadday tirada dhimashada maalinlaha ah ee dadka reer Gaza.

Raysal Wasaare Starmer iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, David Lammy ayaa toddobaadkii hore si adag uga hadlay xaaladda bani'aadantinimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa 20-kii bishan adeegsaday luqadda ugu adag ee Sarkaal British ah uu ku dhalleeceeyo habdhaqanka Israel ee dagaalka. Wasiirka ayaa xilligaasi si adag u weeraray Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich oo si joogta ah ugu hanjaba in Falastiiniyiinta ay ka sifeyn doonaan Gaza oo dhan iyo inaanan la fasixi doonin gargaarka bani'aadantinimo.

Smotrich iyo Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir ayaa ah labada nin ee ugu xagjirsan xukuumadda uu Benjamin Netanyahu hoggaamiyo, waxayna si aan qarsasho lahayn ay Warbaahinta uga sheegaan in Falastiiniyiinta reer Gaza aanay xaq u lahayn inay noolaadaan. Weeraha ay ku taageerayaan xasuuqa dadka rayidka ah ayaa carro baahsan ka dhalisay dunida oo dhan.

London ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay wada hadaladii ganacsiga xorta ahaa ee ay kula jirtay Israel, iyadoo laga jawaabayo falalka foosha xun ay ka gaysaneyso Gaza. London ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogtay shakhsiyaad iyo ururo ku lug leh deegaameynta sharci darrada ah ee Israeliyiinta looga sameynayo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq ballaaran oo lagu dalbanayo in si toos ah xiriirka loogu jaro Israel, iyadoo markaasi cunaqabateyn lagu soo rogayo, lana aqoonsanayo Dowladda Falastiiniyiinta.

Boqolaal qareeno ah ayaa toddobaadkan dowladda dalkaasi ugu baaqay inay adeegsato wax kasta oo lagu joojin karo dagaalka Gaza, oo ay ku jiraan in cunaqabateyn lagu soo rogo Israel iyo in xayiraad dhanka socdaalka ah la saaro Wasiirada xagjirka ah.

Dhaqdhaqaaqa ku wajahan cunaqabateynta Israel ayaa kordhay maalmo uun ka dib, markii Hoggaamiyeyaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Canada ay 19-kii bishan cambaareeyeen ballaarinta Israel ee hawlgaladeeda Gaza, isla-markaana ay dalbadeen in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza, in la qaado xayiraadda gargaarka iyo in la soo afjaro deegaameynta sharci darrada ah ee Daanta Galbeed, ka dibna la bilaabo xaqiijinta xalka laba dowladood.

Saraakiisha Ingiriiska ayaa laga soo xigtay in dowladdu ay si rasmi ah u aqoonsan karto Falastiin, inkastoo aysan sheegin goorta la aqoonsanayo dowlad madaxbannaan oo shacabka Falastiin ay leeyihiin.

Dowladaha Faransiiska iyo Malta ayaa sheegay in bisha June ay ku dhawaaqi doonaan aqoonsiga Dowladda Falastiin, waxayna tallaabadaasi ay Ingiriiska ku dhiirigelinaysaa baa la leeyahay in uu ku daba feelo.

Sacuudiga iyo Faransiiska ayaa qaban-qaabinaya shir caalami ah oo bisha June ka dhici doona Magaalada New York, kaas oo la sheegay in lagu soo nooleynaya fekerka ah in la helo xalka laba dal oo Israel iyo Falastiin ay leeyihiin, maadaama loo arko xalka keliya ee nabad loogu soo dabaali karo Bariga Dhexe.

Tiro ka mid ah dalalka Yurub ayaa waxaa suurtagal ah in shirkaasi ay kaga dhawaaqaan aqoonsigooda Dowladnimada Falastiiniyiinta, oo haddii ay sidaasi sameeyaan ay cadaadiska ku kordhin doonto Israel oo muddo dheer diidaneyd in laga dhinac dhiso dal ay deris yihiin.

Bartamihii sanadkii hore, afar dal oo reer Yurub ah ayaa ku dhiiraday inay aqoonsadaan Dowladda Falastiin, kuwaas oo kala ah Ireland, Norway, Spain iyo Slovenia.

Inkastoo inta badan dalalka caalamka ay horey u aqoonsadeen Falastiin, haddana aqoonsigaasi ma noqon mid faa'iido leh, bacdamaa dalalka saamaynta leh ee reer Yurub iyo Mareykanka ay diidanaayeen inay cidleeyaan garabka Israel, waxaase mooddaa in hadda ay bedelayaan mowqifkoodii hore.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa wajahaya cadaadiskii ugu weynaa ee gudaha, si Israel loogu ciqaabo ku tumashadeeda ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada, sababtoo ah inaanan gacmaheeda la xakameyn karin iyo inaysan xitaa wax xushmad ah u hayn xulafadeeda dhow.

Reer Yurub ayaa markii koowaad si aan la arag isaga dayanaya inay hoos u dhigaan iskaashigii ay la lahaayeen Israel, si Tel Aviv ay u aqbasho in ay joojiso xasuuqa Gaza, inay qaaddo xayiraadda gargaarka ee dhulka ay go’doomisay iyo in ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ay ka sameynayso Daanta Galbeed, ka dibna la bilaabo dhabo lagu xaqiijinayo in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Keir Starmer, Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa ah hoggaamiyaha uu culeyska ugu weyn ka haysto shacabkiisa, oo ka doonaya in uu wax qabto, taasna ay keeni karto in dowladdiisu ay aqoonsato Falastiin, shaki la'aana ay dowlado kalena ku dayan doonaan.

Hoggaamiyaha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa marar badan sheegay in muddada uu xafiiska joogo aanu aqbali doonin dhismaha Dowladda Falastiin, ha yeeshee tallaabooyinka ay qaadayaan reer Yurub ayaa Israel u horseedi doona cawaaqib siyaasadeed iyo mid sharci, waxayna taasi ka sii go'doomin doontaa dunida.

Israel ayaan asalkaba cilaaqaad wanaagsan la lahayn dunida, waxayna dowadnimadeeda ay ku tiirsaneyd taageerada dalalka Yurub iyo Mareykanka.