Turkiga oo Israel ku eedeeyay inay jebisay xabad joojintii Gaza

Dowladda Turkiga ayaa Israel ku eedeysay inay jebisay heshiiskii xabad joojinta Gaza ee 9-kii bishan October ay la gashay Ururka Xamaas ee Falastiin.

Qaraxyo waaweyn ayaa xalay ruxay koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza, ka dib markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu amar ku bixiyay in la bilaabo duqaymo xoogan oo ka dhan ah Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in weeraradii ugu dambeeyay ee Israel ku qaadday Gaza ay ka dhigan tahay xadgudub cad oo ka dhan ah heshiiskii xabad joojinta Gaza.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ankara ay ka walaacsan tahay wararka sheegaya in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay duqaymaha ay Ciidamada Israel ka gaysteen Marinka Gaza.

"Waxaan mar kale sheegaynaa in si buuxda oo loogu hoggaansamaa xabad joojinta ay muhiim u tahay ilaalinta rajada nabad waarta iyo taabagelinta/dhisidda amniga gobolka." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa Israel loogu baaqay "Waxaan ku celinaynaa baaqayaga ku aaddan Israel inay u hoggaansanto xabad joojinta, ayna ka fogaato falalka wax u dhimaya nabadda iyo xasilloonida."

Turkiga waa mid ka mid ah saxiixayaashii ballanqaaday in Xamaas ay dhinaceeda u hoggaansami doonto heshiiska.