Sacuudiga iyo Mareykanka oo weerar wadajir ah ka fuliyay gudaha Ciraaq

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in weerarkan laga fuliyay dalkaasi Ciraaq uu yahay is difaac ay is difaaceyso boqortooyada.

Ciidanka Cirka Sacuudiga iyo kuwa Mareykanka ayaa xalay si wadajir ah u garaacay goobo ku yaala dalkaasi, oo lala xiriiriyay kooxo ay Iran taageerto.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inay beegsadeen goobo badan oo lagu kaydiyo hubka iyo saadka oo ku yaala Bariga Ciraaq.

Taliska ayaa sheegay in tani lagaga jawaabayay in ka badan 30 weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, oo qaarkoodna lagu qaaday xarumaha saliidda ee Sacuudiga, 72-kii saacadood ee u dambeeyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in duqaymaha wadajirka ah oo laga fuliyay bartilmaameedyo gaar ah ay ku saleysnaayeen xuquuqda is difaaca ee uu damaanad qaaday sharciga caalamiga ah.

Wasaaradda ayaa bayaan ay Arbacadan soo saartay ku sheegtay in duqaymahan ay jawaab u ahaayeen weeraro aan la aqbali karin, oo ay gaysteen maleeshiyo ay Iran taageerto oo ku sugan Ciraaq, kuwaas oo ay ku eedeysay inay bartilmaameedsanayaan xarumaha saliidda ee boqortooyada.

Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in inkastoo Sacuudigu uusan dooneyn in xiisadda loo sii huriyo, haddana aysan ka waaban doonin in la qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo difaaco madaxbannaanida, muwaadiniinta iyo hantida dalka, haddii ay mar kale la kulmaan weeraro dheeraad ah.

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa ururada ay Iran taageerto ee ku sugan gobolka uga digtay in ay falal gardarro ah ku soo sameeyaan dalkaasi, haddii kalena ay la kulmi doonaan jawaab xoog badan.