Mareykanka oo gantaal ku dhuftay markab ku sugnaa Gacanka Cumaan

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadooda ay Jimcihii garaaceen markab shidaal oo ku sugnaa Gacanka Cumaan ee ku dhow marin biyoodka Hormuz.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidamadooda ay fariisiyeen markab shidaal, kaas oo isku dayayay inuu ka dhuunto xayiraadda uu Mareykanku saaray Dekedaha Iran.
Markabkan ganacsi ayaa ah markabkii labaad ee ay Mareykanku hawlgab ka dhigaan bishan, tan iyo markii ay dhawaan dib u soo celiyeen go'doomintii Dekedaha Iran, taas oo daba socotay ku dhawaaqistii Madaxweyne Donald Trump ee inuu burburay heshiiskii xabad joojinta ee labada dal ee la gaaray bishii June.
Afhayeenka Taliska Dhexe ee CENTCOM, Captain Tim Hawkins ayaa sheegay in shaqaalaha markabka ay iska dhega tireen digniino la siiyay, taas oo Ciidanka Badda Mareykanka ku khasabtay in ay waxyeeleeyaan qaybta matoorka ee markabka, si ay u joojiyaan.
"Markabku hadda uma sii socdo dhinaca Iran." Ayuu yiri Afhayeenka oo iftiiminaya in markabka lagu magacaabo M/T Lavine ay jug weyn u gaysteen.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamada Mareykanka ay fulinayaan, si looga hortago in maraakiibtu ay galaan ama ka baxaan xeebaha dalkaasi.
Madaxweyne Trump ayaa 13-kii July ku dhawaaqay in Mareykanku uu soo celinayo xayiraadihii Dekedaha Iran ee la qaaday bartamihii bishii June, iyadoona maalintii xigtay ee ciidamadiisa ku sugan aagga Gacanka Cumaan ay dhaqangeliyeen cunaqabataynta dhanka badda ee ka dhanka ah Iran.
Militariga Mareykanka ayaa dhowr jeer sheegay in dhammaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ay adeegsan karaan Marinka Hormuz, aan ka ahayn kuwo lala xiriiriyo Iran.
Mareykanka iyo Iran ayaan illaa iyo hadda muujin wax rabitaan ah oo lagu soo afjarayo colaadda, waxayna sii wadaan weeraradooda.
Calaamadaha muuqda ayaa suurtagal ka dhigaya in dagaalku uu sii socdo.


