Trump oo ku hanjabay in Mareykanku uu bilaabayo hawlgal ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay in Mareykanku uu qaadi doono tallaabo militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen, ka dib markii ay weerareen maraakiib shidaal oo marayay Badda Cas, isla-markaana ay la xiriiriyeen Sacuudiga.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa saakay sheegay in Ciidamada Yemen ay Arbacadii garaaceen laba markab oo nooca saliidda qaada ah oo laga leeyahay Sacuudiga, taasoo keentay in qiimaha saliidda ee suuqyada caalamka uu kordho. General Saree ayaa sheegay in weerarka oo ka dhacay Badda Cas uu ka dambeeyay, ka dib markii maraakiibta ENCELA (ENCELIA) iyo LAYLIA, oo ah labada markab uu sheegay inay beegsadeen ay ku xadgudbeen go'doominta dhanka badda ay ku soo rogeen Sacuudiga.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay in ay qaadi doonaan ciqaab culus oo militari, haddii Xuutiyiinta ay mar kale bartilmaameedsadaan maraakiibta.
Isagoo tixraacaya furinta labaad ee ay Xuutiyiinta Yemen ka fureen biyaha u dhaxeeya Badda Cas iyo Bab El-Mandeb, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu Iran dusha u saari doono masuuliyadda weerar kasta oo mustaqbalka ay gaystaan Xuutiyiinta.
Trump ayaa Iran iyo Xuutiyiinta uga digay ciqaab culus oo ay wajihi doonaan, haddii ay sii socdaan weerarada Xuutiyiinta, waxaana uu sheegay in uu ka niyad jabay ficilada Xuutiyiinta, isagoo muujiyay inay horey ugu dhaqmayeen si xilkasnimo leh, balse hadda ay ka weecdeen jidkaasi.
"Haddii ay arrintan mar kale sameeyaan, Mareykanku wuxuu masuuliyadda saari doonnaa Iran, maadaama Xuutiyiintu ay yihiin wakiil ama cid u shaqeysa Iran, waxaana ciqaab militari oo culus la marsiin doonnaa Iran iyo dabcan Xuutiyiinta laftooda, kuwaas oo aan aad uga niyad jabay, iyadoo illaa hadda ay u dhaqmayeen si xirfad iyo caqli ku dheehan yahay." Ayuu Trump ku sheegay bartiisa Truth Social.
Xiisadda ka soo korortay Badda Cas ayaa sare u qaadday qiimaha sahayda tamarta adduunka iyo cabsi laga qabo in marinka istiraatiijiga ah ee Bab El-Mandeb uu xirmo, iyadoo marinkan uu yahay albaabka koonfureed ee laga galo Badda Cas.
Qiimaha shidaalka ayaa ka sare maray $100 halkii fuusto, waxaana sababay xiisadda iyo dagaalka Bariga Dhexe ee sii baahay.
Khubarada dhaqaalaha iyo Bangiga Goldman Sachs ayaa ka digaya in qiimuhu uu sii kici karo, haddii qalqal labaad iyo mid ka sii daran ay wajahaan marinada sahayda shidaalka.
Hubanti la'aanta ka jirta Bab El-Mandeb ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Iran ay xirtay marin biyoodka dhinaca kale ku yaala ee Hormuz. Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa 12-kii bishan dib u soo celiyay xayiraaddii isu socodka maraaakiibta ee Marinka Hormuz, ka gadaal markii uu burburay heshiiskii xabad joojinta ee Mareykanka iyo Iran ee ay labada dal gaareen bartamihii bishii June.
Hormuz iyo Bab El-Mandeb ayaa lagu sheegaa marinada ugu waaweyn adduunka ee shidaalka iyo badeecadaha la dhoofiyo.


