Baarlamaanka Masar oo cod u qaadaya in ciidamo loo diro Sacuudiga

Xildhibaanada Baarlamaanka Masar ayaa Isniintan guda gelaya wejiga 2aad ee doodda ay ka yeelanayaan codsi uga yimid Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi, kaas oo ka codsaday in ay ansixiyaan ciidamo ay Qaahira u dirto Boqortooyada Sacuudiga.
Madaxweynaha Masar ayaa Axaddii sheegay in Qaahira ay diyaar u tahay inay Sacuudiga siiso taageerada militari ay u baahan yihiin, si buu yiri ay u difaacdaan amnigooda iyo xasilloonidooda.
Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka codsaday kulan dedeg ah, oo lagu ansixinayo taageerada militari ee la siinayo Sacuudiga, si Ciidamada Masar ay gacan uga gaystaan difaaca xulafadooda.
Gelinkii dambe ee Axaddii ayaa la filayay in Baarlamaanka uu cod u qaado soo jeedintaasi, inkastoo la qorsheeyay in dooddu ay sii socoto illaa maanta.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameysa in codaynta ay dib-u-dhici karto Talaadada, iyadoo dhammaan Xildhibaanada la siinayo fursad ay kaga doodaan go'aanka.
Codsiga uu Madaxweynuhu u jeediyay Baarlamaanka ayaa yimid, ka dib markii uu shir guddoomiyay Shirka Amniga Qaranka ee Masar, ayna ka qaybgaleen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Raysal Wasaaraha iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida.
Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa ah mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee dunida Carabta. Taageero kasta oo militari oo Qaahira ay siiso Riyadh ayaa noqon karta kor u kac weyn uu ku yimaada dagaalka Bariga Dhexe, xilli ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeyso Mareykanka iyo Iran ee ka dhalatay duulaankii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israel ay dhammaadkii bishii February ku qaadeen dalkaasi, kaas oo halis geliyay sahayda tamarta adduunka, isla-markaana sababay sicir barar dunida oo dhan ah.
Sacuudiga oo taageeraya Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay ayaa weerar ku haya Xuutiyiinta, laakiin falcelinta ka imaaneysa Xuutiyiinta ayaa si ba'an u dhaawaceysa dhaqaalaha boqortooyada.
Xoogaga Xuutiyiinta oo adeegsanaya gantaalada ballaastikada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ayaa beegsanaya kaabeyaasha muhiimka ah ee boqortooyada, oo ay ku jiraan xarumaha saliidda, garoomada diyaaradaha iyo bartilmaameedyada militari ee ku yaala dalkaasi.
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman oo wajahaya mid ka mid ah dhibaatooyinkii ugu weynaa ee dhanka ammaanka ayaa raadinaya xulafo caalami ah iyo kuwa gobolka ah, si ay Riyadh ula tacaasho weerarada gantaalada iyo drones-ka ay Xuutiyiinta ku qaadayaan gudaha Sacuudiga.


