Madaxweyne Trump oo sheegay in miinooyinka laga nadiifiyay Marinka Hormuz

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa caawa sheegay in miinooyinka laga nadiifiyay marin biyoodka Hormuz ee Gobolka Bariga Dhexe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Marinka Hormuz laga saaray amaba la qarxiyay dhammaan miinooyinkii yaalay.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Badda Mareykanka ay xaqiijiyeen in biyaha caalamiga ah ee Marinka Hormuz laga nadiifiyo dhammaan waxyaabaha qarxa.
Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay in Ciidamada Mareykanka ee Space Force ay kormeerayaan marin biyoodka oo dhan.
Trump ayaa sheegay in Iran lagu wargeliyay in maraakiibteeda iyo doomaheeda isku daya inay miinooyin cusub dhigaan Hormuz in si degdeg ah loo burburin doono.
Marinka Hormuz oo ku yaala afka ciriiriga ah ee Gacanka Faaris ayaa ku xirmay duulaankii Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February ku qaadeen dalkaasi Iran.
Mareykanka iyo Iran ayaa bartamihii bishii June gaaray heshiis is afgarad ah oo lagu soo afarayo dagaalka, iyadoo la soo celinayo xorriyaddii socdaalka maraakiibta ganacsiga ee Hormuz, ha yeeshee labada dal ayaa bishii July sii waday duqaymihii ay is dhaafsanayeen, iyadoona marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz uu yahay goobta ugu weyn ee xiisaddu ka taagan tahay.
Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa Isniintii ku dhawaaqday cunaqabatayn xoogan, oo lagu beegsanayo ku dhawaad 60 shakhsi, shirkadaha iyo maraakiibta xiriirka la leh Dekedaha Iran.
Wasiirka Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent ayaa sheegay in cunaqabatayntan looga gol leeyahay in Iran laga jaro xiriirada dhaqaale ee caalamka, isagoona dalalka uga digay inay xiriir ganacsi la yeeshaan Tehran.
"Hadafkayagu waa inaan caalamka oo dhan ka jarno dhammaan xiriirrada dhaqaale ee sii wada jiritaanka nidaamkan keli-taliska ah, illaa ay Tehran keligeed iska taagto." Ayuu yiri Scott Bessent.
Bessent ayaa sheegay in cunaqabatayntu ay sidoo kale saameynayso shabakado ay Washington ku eedeysay inay ka caawinayaan Iran in ay soo saarto dakhli saliid, inay hesho hub iyo inay sameyso hawlgalo internet-ka ah.
Dowladda Iran ayaa sheegtay in cunaqabataynta cusub ee Mareykanka ay tahay mid fashilmi doonta, isla-markaana ay diyaarisay qorsheyaal ay kaga gaashaamaneyso.


