Israel oo lagu cadaadinayo inay furto Isgoyska Rafah ee qaybta Gaza

Israel ayaa wajaheysa cadaadis xoog leh oo lagu saarayo inay furto Isgoyska Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo Gaza uu ka soo galo gargaarka bani'aadantinimo ee ugu badan ee ka soo gudbaya dhinaca dalkaasi Masar.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa tan iyo Arbacadii ku adkeysaneysay in isgoyskaasi uu sii xirnaan doono, si Xamaas loogu khasbo in ay soo wareejiso lafaha maxaabiista Israeliyiinta ee harsan.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Xamaas ay illaa iyo hadda soo gudbisay lafaha 13 ka mid ah 28 Israeliyiin ah oo lagu heshiiyay in ay lafahoodu soo wareejiso. Xamaas ayaa sheegtay in Israel ay dib u dhigeyso soo celinta lafaha dadkaasi, sababtu tahay in ay hortaagan tahay qalabka dhismayaasha ee lagu heshiiyay in la keeno Gaza.

Raysal Wasaare Netanyahu oo Isniintii khudbad u jeediyay Baarlamaanka Israel ayaa ku hanjabay in Tel Aviv ay gacan adag ku wajahi doonto Xamaas, oo uu ku eedeeyay inay ku xadgudbeyso heshiiska nabadda.

Wargeyska The New York Times ayaa ku waramay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay in Xukuumadda Netanyahu laga yaabo inay ka laabato heshiiska, dibna ay u bilowdo weeraradeedii ballaarnaa ee Gaza.

Mareykanka ayaa ka cararaya in xabad joojinta Gaza ay burburto, taas oo illaa iyo hadda ku saleysan wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee horseedaya in la gaaro xabad joojin waarta.

JD Vance, Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka oo maanta gaaray Magaalada Tel Aviv ayaa sheegay in Xamaas ay khasab tahay in ay soo wareejiso meydadka lafaha harsan, oo sida uu sheegay qayb ka ah shuruudaha xabad joojinta ee labada dhinac.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa haddana sheegay in hal habeen oo keliya aysan Xamaas ku soo wareejin karin dhammaan lafaha maxaabiistii dhimatay, isagoo daba jooga burburka aan horey loo arag ee ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.

JD Vance ayaa sheegay in loo baahan yahay in Xamaas la siiyo waqti ay ku soo wareejin karto lafaha harsan, iyadoo aan la hor istaagin cuntada iyo dawada ee la gaarsiinayo dadka reer Gaza iyo mashiinada burburka lagu nadiifiyo ee lagu heshiiyay in la geliyo Marinka Gaza.

Vance ayaa gelinkii dambe ee maanta koonfurta Israel ka furay xarun isku-dubarid militari iyo rayid, oo ay ka hawlgeli doonaan Ciidamada Mareykanka, si ay ula socdaan heshiiska xabad joojinta Israel iyo Xamaas ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, iyagoo sidoo kalena hubin doona in gargaarkii lagu heshiiyay uu si toos ah u gaarayo dadka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Vance oo kaashanaya Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo wiilka uu soddoga u yahay Trump ee Jared Kushner ay xoojin doonaan culeyska ay Washington ku saareyso Madaxda Israel in la bilaabo wada hadalada wejiga labaad ee qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, si meesha looga saaro khatarta ku gadaaman wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta. Wejiga xiga ayaa keenaya in hore loo socdo.

Maamulka Donald Trump ayaa la sheegay in aanu jecleysan habka ay Israel ku wajaheyso Gaza, taas oo qorshihii nabadeynta Trump ee Gaza ka dhigeysa mid aan cago badan ku taagneyn.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in joogteynta xabad joojinta ay muhiim u tahay in gargaar naf badbaadin ah la geeyo dhulka sida adag loo go'doomiyay, halkaas oo dhibaatooyin bani'aadantinimo ay ka taagan yihiin.

WFP ayaa dalbatay in Israel ay furto dhammaan marinada oo dhan, si xaddiga gargaarka ee lagu heshiiyay ay u geeyaan qaybaha Gaza. Israel ayaa gacanta ku haysa xuduudaha laga soo galo Marinka Gaza.

Dadaalada diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu ku cadaadinayo Israel ayaa la rajeynaya in ay ku riixi doonto in ciidamadeeda ay furaan Isgoyska Rafah ee ku yaala xuduudda Marinka Gaza iyo Masar.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa isku dayaya in uu maareeyo caqabadaha ku gadaaman qorshihiisa nabadda, oo aad arki karto in Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ku daaban aysanba ka waabanayn inay fashiliyaan.

Trump uma muuqdo mid weli diyaar u ah in uu tallaabo ka qaado Wasiirada midigta fog ee Netanyahu ku khasbaya in dagaalka dib loo bilaabo.