Iran oo digniin adag ka soo saartay weerarada ay Israel ka sii waddo Koonfurta Lubnaan

Taliska Militariga Iran ayaa Israel ugu yeeray inay si degdeg ah u soo afjarto weerarada ay ka waddo Koonfurta Lubnaan ee ka dhanka ah Xoogaga Ururka Xisbullah.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Iran (Khatam Al-Anbiya) ayaa ka digay inaysan Israel joojin weerarada Koonfurta Lubnaan, haddii kalena ay jawaab adag ka dhalan doonto.

Taliska ayaa bayaan ku sheegay in Ciidamada Israel ay 84 jeer jebiyeen heshiiska xabad joojinta labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyagoo tixraacaya heshiiska dagaalka lagu soo afjarayo ee ay gaareen iyaga iyo Mareykanka.

Mareykanka iyo Iran ayaa waaberigii hore ee Isniintii gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe, oo ay ku jirto xabad joojin laga sameeyo Lubnaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay in dhaqangalka heshiiska oo Jimcaha la filayo in la saxiixo uu ku xiran yahay in la joojiyo dagaalka Lubnaan.

Taliska Dhexe ee Khatam Al-Anbiya ayaa ku hanjabay in Israel ay jawaab militari kala kulmi doonto dhinaca Iran, haddii aysan ciidamadeedu joojin weerarada Lubnaan.

"Haddii aysan Cidamada Maamulka Sahyuuniyadda joojin gardarrada Koonfurta Lubnaan, waa inay fishaan jawaab adag oo kaga timaada Ciidamada Qalabka Sida ee Iran." Ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka Militariga Iran ayaa imanaya, ka dib weeraro ay dad rayid ah ku dhinteen oo Talaadadii laga soo wariyay Koonfurta Lubnaan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ku dhalleeceeyay inuu u dhaqmayo si masuuliyad darro ah, isagoona sheegay inay tahay in Netanyahu uu masuuliyad dheeraad ah ka yeesho arrinta Lubnaan.