Iska horimaad ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir
Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay xalay weerartay fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay si toos ah u beegsatay halka uu ku yaalo kontoroolka lagu magacaabo Buurta Cali Janaale, oo ah mid ka mid ah kontoroolada laga ilaaliyo amniga Magaalada Muqdisho.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay iska caabiyeen maleeshiyadaasi, isla-markaana ay dib ugu celiyeen dhinaca Gobolka Shabellaha Hoose oo weerarka ay ka soo qaadday.
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in weerarka uu ku bilowday gantaalaha garbaha laga tuuro ee sabanka/baasukaha, ka dibna uu xigay iska horimaad socday qiyaastii 30 daqiiqo.
Kontoroolka la weeraray ayaa waxaa degan Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo Ciidanka Polizia Militare kala shaqeeya amniga kontoroolada laga soo galo magaalada.
Taliska Haramcad ayaa sheegay in ciidamadu ay fashiliyeen hoobiyeyaal ay Shabaabku doonayeen inay ku soo tuuraan magaalada.
"Hawlgalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qabuuraha Kaxda iyo deegaanka Maracadde oo koonfur kaga beegan Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir." Ayuu talisku ku sheegay qoraal lagu daabacay bogga wararka ee Haramcad.
Lama sheegin cid wax ku noqotay iska horimaadka ka dhacay degmadaasi, gaar ahaan kontoroolka Buurta Cali Janaale oo ay ku soo noqnoqdeen weerarada ceynkani oo kale ah.




