Iska horimaad ka dhacay Garoowe iyo Booliska oo ka hadlay

Iska horimaad hubeysan ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Iska horimaadka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii kooxo hubeysan ay weerareen Saldhigga Booliska Israac ee magaaladaasi.

Taliye Kuxigeenka Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, G/dhexe Maxamuud Muuse Bile ayaa sheegay in iska horimaadka uu u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo rag uu sheegay inay cabsanayeen.

Taliye Kuxigeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggaasi ay ka tirsan yihiin ciidamada mucaaradka taabacsan ee saldhigoodu yahay Ligle, isla-markaana uu hoggaamiyo General Jimcaale Jaamac Takar.

Taliye Kuxigeenka ayaa khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi ku sheegay dhaawac fudud oo soo gaaray sida uu yiri nin qura.

Daryanka sawaxanka ee rasaasta noocyadeeda kala duwan ayaa xalay in doora laga maqlayay qaybo ka mida xaafadaha magaalada.

Puntland ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay nooca doorashada ay tahay in Puntland ka qabsoomto bisha January ee sanadka ina soo aaddan.