Iska horimaad ka dhacay Saldhigga Dhexe ee Magaalada Boosaaso 

Iska horimaad hubeysan ayaa maanta ka dhacay Saldhigga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso, iyadoona uu iska horimaadka u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland.

Iska horimaadkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Ciidanka Gaarka Puntland ee PSF ay weerareen Saldhigga Dhexe ee Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General Muumin Cabdi Shire ayaa Ciidanka PSF ku eedeeyay inay weerareen Saldhigga Bartamaha, isla-markaana ay kala baxeen laba maxbuus.

"Ciidan la yiraahdo Ciidanka PSF oo soo weeraray Saldhigga Booliska ayaa maxaabiis xoog ku furtay, askarna ku dhaawacay. Qof shacab ah ayaana na loo sheegay in wax soo gaareen." Ayuu yiri Taliyaha oo VOA la hadlay.

Taliyaha ayaa sheegay inaysan garaneyn sababta loo weeraray saldhiggan, isagoona dembi weyn ku tilmaamay weerarka ceynkaasi oo kale ah.

"Waxa sababay lama garanayo. Waa dembi weyn in Saldhigga Booliska la weeraro." Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in maxaabiista lala baxay ay ahaayeen laba maxbuus oo dembiyo galay, maxkamad sugena ku ahaa Saldhigga Dhexe.

"Waxay ahaayeen laba maxbuus oo maxkamad suge ku ahaa Saldhigga Dhexe oo dembiyo galay, iyaga laftigooda dhaawac isu gaystay markii maandooriye ay ka dhargeen oo booliska ay sidaas ku soo xireen." Ayuu yiri Taliyaha.

Weerarkan ayaa yimid, ka dib markii Ciidanka Booliska ay xalay Magaalada Boosaaso ka sameeyeen hawlgal lagu la dagaalamayay waxyaabaha maanka-dooriya, isla-markaana ay ku soo xireen dad uu ka mid yahay askari ka tirsan Ciidanka PSF.

Inta la ogyahay laba askari oo ka tirsan ilaalada saldhiggaasi iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay iska horimaadka ka dhacay Saldhigga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso.

Dadka reer Boosaaso ayaa hadalhaya dhacdada la xiriirta weerarka ay ciidamada dhexdooda ka gaysteen saldhiggaasi ee maxaabiista looga la baxay.