Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo ka hadlay dhallinyarada lagu qabtay Gaalkacyo

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo lagu qabtay ciidamo Soomaaliyeed oo sida uu yiri Puntland loo soo xawilay, markii kuwii Puntland gudaheedii la nadiifiyay.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa tilmaamay in raggaasi oo 130 nin gaaraya iyo gaadiidkii ay wateenba ay hadda ku xiran yihiin Saldhigga Booliska.
"Saakay ciidamo Soomaaliyeed oo Puntland loo soo xawilay baa Gaalkacyo lagu qabtay 130 nin iyo teknikadii ay wateen ah oo hadda Saldhigga Booliska ku xiran, markii kuwii Puntland gudaheedii la nadiifiyay." Ayuu yiri Lugatoor oo intaa raaciyay "Shan qof baana reer Puntland ka ah."
Lugatoor ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliya ay ku socoto waddo aan sax ahayn, isagoona ka digay burbur ku yimaada dowladnimada dalka.
Hadalkiisa ayaa imanaya saacado uun ka dib, markii Ciidanka Puntland ay waqooyiga Gaalkacyo ku qabteen dhallinyaro loo waday tababarka Ciidanka Xoogga Dalka.
Dhallinyaradan ayaa ku sii jeedday Xerada Militariga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, kana mid ah xeryaha lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka.
Tallaabada lagu xiray dhallinyaradaasi ayay dadka qaarkii u arkaan mid uga sii dari karta xiriirka aan wanaagsaneyn ee ay leeyihiin Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland.


