Israel oo sheegtay in tirada askarta looga dilay Gaza ay korortay

Taliska Militariga Israel ayaa qirtay in askar hor leh looga dilay dagaalka ay kula jiraan Xoogaga Xamaas ee ka socda Marinka Gaza.

Taliska ayaa xalay sheegay in Sabtidii oo keliya ay shan askari kaga dhinteen dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza.

Waxay sheegeen in 58 askari ay ka geeriyoodeen, tan iyo markii Israel ay bilowday hawlgalkeeda dhinaca dhulka ee Gaza.

Taliska ayaa mar dambe bartooda X (Twitter) ku sheegay in askarta shalay laga dilay uu ka mid ahaa nin Sarkaal ahaa, oo magaciisa ay ku sheegeen Captain Jamal Abbas, oo ahaa Taliyihii Guutada 110aad ee Ciidanka Difaaca Israel.

Waa tiradii ugu badneyd ee Israel sheegto in maalin qura lagaga dilay gulufka militari ee ay ka waddo Gaza.

Tani ayaa wadarta guud ee Ciidamada Israel laga dilay ka dhigeysa 377 askari, wixii ka dambeeyay weerarkii 7-dii October ay Xamaas ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Ciidamada Israel oo gudaha ugu jira Gaza ayaa iska caabin xoog leh kala kulmaya xaafadaha Zaytun iyo Jabalya.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in Tel Aviv ay sii wadi doonto duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta ay ka takhalusayaan sida uu yiri argagixisada Xamaas.