Jubbaland: Maxkamad xukuntay nin lagu helay inuu dilay wiil 9 jir ahaa
Maxkamadda Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa galabta xukun dil ah ku xukuntay Jeele Maxamed Cismaan, oo maxkamaddu ay ku heshay in dhowr cisho ka hor uu Dhoobley ku dilay Xabiib Shariif Cabdi oo 9 jir ahaa, sidoo kalena uu ku dhaawacay Axmed Aadan Liibaan, isagoo adeegsanaya toorey.
Ciidanka Booliska ee Dhoobley ayaa Isniintii gacanta ku soo dhigay eedeysanaha, maalin uun ka dib, markii labada wiil oo Dugsi Quraan ka yimid uu midna ku dilay, mid kalena ku dhaawacay xaafadda Danwadaag ee Dhoobley, oo ay degan yihiin qoysaska barakacayaasha iyo qaxootigii qaar ee ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Aadan Liibaan Goobe oo ah aabaha dhalay wiilka dhaawaca ah ayaa sheegay in labada wiil oo ehel ah ay weerar kala kulmeen eedeysanaha, ka dib markii ay lacag isku qabteen nin uu magaciisa ku sheegay Sayid Cali, kaas oo ehelka ka mid ah.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Dhoobley, Maxamed Cumar Yuusuf (Siraaji) ayaa sheegay in maxkamaddu ay Jeele Maxamed Cismaan ku heshay dilka iyo dhaawaca ee lagu soo eedeeyay in uu gaystay.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in eedeysanuhu uu maxkamadda ka hor qirtay in uu dilay Xabiib Shariif Cabdi oo 9 jir ahaa iyo in uu dhaawacay Axmed Aadan Liibaan oo 15 jir ah.
"Maxkamaddu waxay ku heshay dembiile Jeele Maxamed Cismaan 32 jir ah, ina Kaaho Mahad Cabdi oo ku dhashay Bu'aale, degan Dhoobley, ku eedeysan fal dembiyeed dil iyo dhaawac, si waafaqsan Qodobka 434-aad iyo Qodobka 440-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna maxkamaddu ku heshay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay." Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in maxkamaddu ay ninkaasi ku xukuntay dil toogasho, oo uu ku sheegay qisaasta wiilkii uu dilay.
"Maxkamaddu waxay ku xukuntay Jeele Maxamed Cismaan dil toogasho, oo ah qisaastii marxuum Xabiib Shariif Cabdi 9 jir ah, ina Muslimo Samaan oo ku dhashay Qansaxdheere, deganaa Dhoobey xaafadda Danwadaag." Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Dhoobley.










