Jubbaland oo ciidamo cusub u daabushay jiidda hore ee Gobolka Jubbada Hoose
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo cusub u daabushay aagagga dagaalka ee Gobolka Jubbada Hoose, si loo xoojiyo hawlgalka ay ciidamada kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab.
Hawlgalka ayaa maalmihii u dambeeyay si xiriir ah uga socday deegaanada qaar ee u dhaxeeya Magaalooyinka Afmadow iyo Kismaayo, gaar ahaan inta u dhaxeyso Afmadow iyo Janaay Cabdalle.
Ciidamada gurmadka ayaa maanta ka ruqaansaday deegaanka Janaay Cabdalle oo kala qaybiya Kismaayo iyo Afmadow, ka dib markii iyagoo wata gaadiidka dagaalka ay ka yimaadeen dhinaca Magaalada Kismaayo.
Ciidamadan oo Khamiistii laga soo sagootiyay xero ciidan oo ku taala duleedka waqooyi ee Kismaayo ayaa Jimcahan gaaray Janaay Cabdalle, halkaas oo ay uga sii gudbeen jiidda hore, iyadoo Janaay Cabdalle ay tahay goobta ay saraakiishu ka hoggaaminayaan hawlgalkan.
Hawlgalkan ayaa waxaa iska kaashanaya Kumaandooska Danab, Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo Sabtidii hawlgal sifayn ah ka bilaabay dhulka ku teedsan deegaanada Biibi, Qumbi, Miido, Harboole, Weel-maarow iyo Dhasheeg Waamo oo hadda ay culeyska ugu weyn ku saarayaan maleeshiyada Al Shabaab.
Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo gelinkii dambe ee Khamiistii duleedka Kismaayo kula hadlay ciidamada loo dhaqaajiyay aagagga dagaalka ayaa kula dardaarmay in ay muujiyaan adkeysi iyo waddaniyad, isla-markaana ay xoreeyaan dhulka ka maqan gacanta maamulka.
Dhanka kale weeraro xagga cirka ah ayaa la soo sheegaya in Jimcahan ay ka dhaceen meelo ka mid ah deegaanada Harboole, Qumbi iyo Dhasheeg Waamo, oo wararka ay sheegayaan in maleeshiyadaasi ay dhaqdhaqaaq ka wadaan.
Afhayeenka Ciidanka Jubbaland, G/dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa mar sii horreysay sheegay in saaxiibada caalamka ay ciidamada ka caawinayaan hawlgalka hawada.
Gulufkan oo u muuqdo mid ballaaran ayay ciidamadu isugu ballaarinayaan dhul cusub oo qorshuhu yahay in laga kiciyo Shabaabka.








