Jubbaland oo ka warbixisay ujeedada shirka ka furmaya Kismaayo

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Ibraahim Oogle oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa marka hore sheegay in shirka uu berrito ka furmi doono magaaladaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in wufuudda shirka ka qaybgelaysa ay isaga kala yimaadeen Magaalooyinka Garoowe, Muqdisho iyo Nairobi, isagoona xusay in magaalada ay illaa iyo hadda soo gaareen xubno ay ka mid yihiin saddex Raysal Wasaareyaal hore iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), wuxuuna intaasi ku daray in Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed uu isna berri subax soo gaari doono magaalada, si uu shirka ula jaan-qaado.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa tilmaamay in shirkan uu daaran yahay jiheynta siyaasadda dalka iyo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu soo celiyo ku dhaqanka dastuurka, oo sida uu sheegay uu ka yara leexday.
"Shirkan wuxuu madlan yahay samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed oo asalkiisu uu yahay jiheynta siyaasadda qaranka iyo in lagu soo dabaalo Madaxweynaha hadda joogo ee Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka yara weecday Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa sheegay in qaranku uu mar kasta la tacaalo dhibaatooyin ka dhashay siyaasadda, taasoo ay ugu wacan tahay in lagu tumanayo wixii heshiiska lagu ahaa.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka loo dhisay in lagu jiheeyo siyaasadda dalka.
"Sida aad ogtihinba qarankeennu mar kasta wuxuu la tacaalaa dhibaatooyin asalkeedu ay tahay siyaasad, sababaha ugu weyna ay tahay inaanan marnaba dheg jalaq loo siinin, la dhageysan, lana raacin hannaanka aan ku heshiinay ee Federaaleynta Qaranka Soomaaliyeed iyo dastuurkaba, madashana ayada oo ay taa tixraaceyso ayaa la aasaasay, waxaana loogu talagalay in lagu jiheeyo siyaasadda qaranka, oo waayadaanba aad u murugeysneyd, waxayna fursad u siin doontaa shacabka iyo ummadda Soomaaliyeed in dib u milicsi lagu sameeyo hannaanka uu Madaxweynaha hadda talada hayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaranka ku wado." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland.
Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri "Sidaad ogsiintihiinba waxaa hal-ku-dhig u ahaa Madaxweyne Xasan waxaan Qaranka Soomaaliyeed u diyaarinay tareen ay dadku raacaan ee tareenkaas ha la soo wada raaco, laakiin Madaxweynuhu wuxuusan ogeyn oo aad uusan ula socon in tareenkaa dadkii Soomaaliyeed oo dhan ay ka hareen, marka laga reebo Golihiisa Wasiirada iyo asaga oo ka ah darawal."
Wasiir Oogle ayaa intaasi ku daray "Marka waxaan rabnaa inaan Madaxweynaha xusuusino Madaxweynow Soomaalidii tareenkaaga way ka wada hartay, shacabkii dhammaantood way wada oynayaan, way wada qaylinayaan, wayna wada barakaceen, masiibo u timid oo ay ku barakaceena ma jirto. Waxay ku barakaceen gacantaada, xukuumadaada iyo awoodaada, awooddaas oo dastuurku kuu siiyay inaad ugu shaqeyso Qaranka Soomaaliyeed, hase yeeshee aad ugu shaqeysay calooshaada iyo rabitaankaaga shakhsiga ah, taas ayaa keeneyso madasha inay maanta soo wada gaaraan Kismaayo, si nabad ah."
Dhinacyada ku kulmaya Magaalada Kismaayo ayaa ka biyo diidan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashooyinka dalka, iyagoo ku doodaya in hannaanka ay hadda wax u socdaan aan heshiis lagu hayn.
Siyaasiyiinta Mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland ayaa leh miisaan siyaasadeed, waana garabka ugu weyn ee siyaasad ahaan ka soo horjeeda Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinacyadan ayaa u muuqdo kuwo doonaya in miiska wada hadalka la isugu yimaado, si heshiis looga gaaro nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto.


