Jubbaland oo lagu wado inay ciidamo cusub ku biiriso hawlgalka Jamaame
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa diyaarineysa ciidamo cusub oo lagu wado inay qayb ka noqdaan hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socdo abaabul lagu qalabeynayo ciidamo cusub oo ka mid noqonaya kuwa Jubbaland, kuwaas oo 8-dii bishan tababar loogu soo xiray magaaladaasi.
Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo tababarka u soo xiray ciidamadan ayaa Isniintii kula dardaarmay in wixii la baray ay uga faa'iideeyaan dalkooda.
"Ilaahay baan idiinku dhaarshee waxa la idiin baray meel cidlo ah haku tuurina, meel cidlo ah haku tuurina. Wixii idinka dhiman ama qalab ha noqdo ama qaab kale ha noqotee, waxaa gacan naga siin doono Hay'adaha Qaramada Midoobey. Wixii gaadiid, qalab iyo nolol ahna waxay u taallaa Dowladda Jubbaland, wuuna ballanqaaday Madaxweynaheenna sharafta leh." Ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubbaland.
Wasiirka ayaa Taliyaha Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Nuur Mahad Xasan iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, General Ismaaciil Saxardiid kala shaqeynaya, sidii ciidamada loogu diri lahaa goobta dagaalka.
Ciidamadan ayuu ujeedku yahay in ay dhiig cusub ku shubaan hawlgalka uu yoolkiisu yahay in lagu xoreeyo Degmada Jamaame, ka dib 17 sano oo Al Shabaab ay ka arrimineysay.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadan ay la hawlgeli doonaan ciidamo kale oo ku sugan deegaanada Yoontooy iyo Baar Sanguuni, si loo dardargeliyo hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab looga sifeynayo dhulka dhaca jiinka bari ee Webiga Jubba.
Ciidamada ayaan u gudbi karin daanta galbeed ee webiga, iyagoo aan marka hore kooxaha argagixisada ka sifayn goobaha ay kaga sugan yihiin bariga webiga, oo ah dhul hawd ah oo ay ku xoogan yihiin.
Hawlgalkan oo bil jirsaday ayaan laga samayn horumar muuqdo, taasoo keeneysa in is bedel lagu sameeyo qaabka ay ciidamada u hawlgalayaan.
Shabaabka ayaa difaac adag ka galay meelihii ay ciidamadu ka geli kari lahaayeen Jamaame, haddii ay noqoto dhulka hawdka ee dhaca webiga iyo weliba waddada laamiga.
Shabaabka ayaa ku fara-adeygaya, sidii ay u sii haysan lahaayeen Jamaame, maadaama ay muhiim u tahay goobaha ay ka ilaaliyaan Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.




