Jubbaland oo tababar u soo xirtay ciidamo loo wado deegaanka Kudhaa
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo cusub u waddo Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii ciidamadaasi Khamiistii tababar loogu soo xiray Dugsiga Tababarka Daraawiishta Jubbaland ee duleedka Magaalada Kismaayo.
Jasiiradda Kudhaa oo hoostagta Degmada Badhaadhe ayaa waxaa 21-kii bishan weerar ballaaran ku qabsaday maleeshiyada Al Shabaab, inkastoo maalintii xigtay ee 22-ka bisha maleeshiyadaasi dib looga riixay deegaanka.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, General Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayaa tababarka u soo xiray ciidamadan, ka dib dhowr bilood oo tababar ay ku qaadanayeen akademiyadda ciidan ee ugu weyn Jubbaland ee Guutada Birjeex.
Telefishinka afka Jubbaland ku hadla ee Jubbaland TV ayaa sheegay in ciidamadan ay xoojin doonaan amniga deegaanka Kudhaa, isla-markaana uu halkaasi fadhigoodu noqon doono.
Ciidamadan oo la siiyay qalabka iyo dareyska Daraawiishta Jubbaland ee nooca militariga ayaa la filayaa in doomo lagu gayn doono Jasiiradda Kudhaa, iyadoo ay deegaankaasi ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidamadan ayaan safar dhinaca dhulka ah ku tagi karin Kudhaa, marka aad eegto masaafada ay isku jiraan Kismaayo iyo Kudhaa oo 130km ah iyo in dhexda ay Shabaabku ku sugan yihiin.
Ciidamadii gurmadka ee toddobaadkii hore ka tegey Kismaayo, isla-markaana gaaray Kudhaa ayaa doomo ay ka raaceen Kismaayo ku tegay deegaankaasi.












