Kaamirooyinka oo door ka qaadanaya amniga Magaalada Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaa ku guuleystay in ay kaamirooyinka ku baahiyaan meel walba oo Magaalada Muqdisho, iyadoo loo adeegsanayo arrimaha amniga la xiriira.

Kaamirooyinka CCTV-ga ayaa lagu xiray dhammaan waddooyinka magaalada, goobaha ganacsiga iyo xaafadaha, iyadoo dhowrkii guriba oo la degan yahay ay mid ka mid ah ku xiran tahay kaamiradaasi.

Laamaha amniga ayaa kaamirooyinkan u adeegsada tixraaca ugu weyn ee marka ay wax dhacaan magaalada, si looga jawaabo falalka ka dhanka ah amniga ee ka dhaca magaalada, laakiin kaamirooyinka ayaan weli gaarsiisaneyn heerka ka hortagga ee weerar dhici raba, taasna waxay ku iman kartaa hay'adaha ammaanka oo sare u qaada heerka feejignaantooda.

Marka la eego dal sida Somaliya oo kale ah oo weerarada argagixisada ay ku badan yihiin, waxaa la dhihi karaa waa horumar weyn oo laga gaaray in Muqdisho laga hirgeliyo hannaanka camera CCTV-ga.

Kaamirooyinka ayaa gacan ka gaysanaya in ciidamada amniga ay daba joogaan maleeshiyada Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka, isla-markaana ku foogan in ay carqaladeeyaan amniga magaalada ugu weyn ee dalka.

Shabaabka ayaa dhowr sano ka hor isku dayay in ay meesha ka saaraan hindisaha Maamulka Gobolka Banaadir oo Villa Somalia ay gadaal ka taagan tahay, ee ahaa in kaamirada laga heli karo meel walba oo Muqdisho ah, ka dib markii ay qarxiyeen meelo badan oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV-ga, oo ay u arkayeen caqabad ka dhan ah hawlgaladooda magaalada.

Shabaabka ayaa ku guuldareystay in ay fashiliyaan hindisahaasi, ka gadaal markii laamaha amniga ay sharci ka dhigeen in dadku ay xirtaan kaamirooyinka, iyadoo aan loo joojineyn cabsi gelinta shacabka uga imaneysa maleeshiyadaasi. Dadka reer Muqdisho ayaan dhageysan hanjabaadaha Al Shabaab, waxayna ku dhiiradeen in iyagoo fulinaya amarka Dowladda Hoose ee Xamar ay xirtaan kaamirooyinkaasi, taasoo guuldarro istiraatiiji ah ku noqotay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama, waana farriin ay dadku ku muujiyeen in Shabaabku aanay la dagaalami karin shacabka oo dhan.

Labadii sano ee la soo dhaafay oo la ballaariyay qorshaha hirgelinta ee kaamirooyinka ayaa waxaa si weyn hoos ugu dhacay weeraradii ay Shabaabku ka gaysanayeen magaalada.

Maadaama ay maleeshiyada Shabaabku u badan yihiin kuwo is qariya, isla-markaana aan dooneyn in wejiyada la aqoonsado ayaa waxay taasi ku riixday in ay gaabsadaan, sababtoo ah waxay ka warqabaan inaysan magaalada isku dhex qarin karin, haddii ay joogteeyaan weerarada ay ka gaysanayaan, inkastoo marar dhif ah ay dilal iyo qaraxyo ka fuliyaan magaalada dhexdeeda.

Inkasta oo is bedelka amni ee ka jira Muqdisho ay door weyn ka qaadanayaan Ciidanka Dharcadka ee aadka loo kordhiyay iyo ciidamada oo adkeeyay kontoroolada laga soo galo magaalada, haddana kaamirooyinka ayaa noqday isha ugu muhiimsan ee laga la socdo dhaqdhaqaaqyada ka jira magaalada, gaar ahaan marka ay wax ka dhacaan.

Kaamirooyinka ayaan looga maarmi karin in laamaha amnigu ay helaan xogaha dhacdooyinka ka dhaca meelaha aysan ciidamadu ku sugneyn, iyadoona muuqaalada ay kaamirooyinka duubaan laga helo macluumaad dheeri ah, isla-markaana ay mararka qaarkood adag tahay in goobjoogeyaasha ay laamaha amniga la wadaagaan faah faahinta sida ay wax u dhaceen, laga yaabee in dadka qaar ay sidaasi u yeelayaan kalsooni aysan ku qabin ciidamada amaba inay u cabsanayaan amnigooda.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xilliyada qaarkood ay kaamirooyinku qabtaan ayaa noqda il laga tixraaco fal dembiyeedyo ay ku lug leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, taasoo keenta in muddo yar ka dib loogu maxkamadeeyo, iyadoo la adeegsanayo caddeymaha muuqaaladii ay kaamirooyinku qabteen.

Warbaahinta ayaa fahamsan in kaamirooyinka ay xitaa meesha ka saareen amaba ay xakameeyeen dhicii faraha badnaa ee ay kooxaha burcadda ka gaysanayeen dukaamada, kuwaas oo ka baxsanaya in la aqoonsado, bacdamaa ay ogyihiin in hadhow laga soo daba geli doono.

Kaamirooyinka ayaa sahla amaba fududeeya meelo ay laamaha amniga ka bilaabaan baaritaankooda, marka ay falal liddi ku ah amniga ka dhacaan magaalada.

Saraakiisha ayaa marka ay dib u daawadaan muuqaaladii ay kaamirooyinka duubeen ka hela dhaqdhaqaaqyada, ka hor iyo ka dib-ba ee meelihii ay wax ka dhaceen.

Hay'adaha ammaanka iyo dadka reer Muqdisho ayaa kaamirooyinka u arka mid faa'iido u leh badbaadada naftooda iyo hantidoodaba.

Si kastaba ha-ahaatee dhammaan kaamirooyinkan ayaa laga maamulaa hal goob, taasoo ah Taliska Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Muqdisho.