Kala bar dadka Muqdisho oo aan qaadan kaarka codbixinta

Kala bar dadka reer Muqdisho ee horey isugu diiwaangeliyay Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Goleyaasha Dowladda Federaalka ayaan qaadan kaarka codbixinta, oo la'aantiis aanay dadku codayn karin doorashooyinka dalka.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Magaalada Muqdisho ka diiwaangeliyay dad gaaraya 923,220 qof, sida uu dhowr jeerba ku celceliyay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan.
Gudoomiyaha ayaa hadda sheegaya in in ka badan 400,000 oo qof ay haatan qaateen kaarka codbixinta, isagoo aan sheegin waxa ku dhacay dadka intiisa kale ee aan weli kaarka qaadan.
Bishii November 15-keedii ayaa Degmooyinka Gobolka Banaadir laga daahfuray bixinta kaarka codeynta, oo keliya la siinayay dadkii bishii April isku diiwaangeliyay inay ka qayb qaataan doorashooyinka soo socda.
Dadka ayaa saddexdii toddobaad ee ugu horreysay si gaabis ah kaarka uga qaadanayay degmooyinkii ay iska diiwaangeliyeen.
Dowladda Federaalka ayaa 10-kii bishan xoojisay ololaha wacyigelinta ee kaar qaadashada, ka dib markii ay walaac ka muujisay habsami u socodka kaar qaadashada oo aad gaabis u ahaa.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa maalmihii u dambeeyay lagu arkayay degmooyinka iyo xaafadaha, iyagoo dadka ku boorinaya in kuwooda harsan ay kaarka qaataan.
Isniintii shalay ayay ku ekeyd kaar qaadashada, laakiin Guddiga Doorashooyinka ayaa ku daray hal maalin oo dheeri ah.
Gudoomiyaha Doorashooyinka Qaranka ayaa Talaadadan ku dhawaaqay in maanta la soo afjari doono kaarbixintii, tan iyo bartamihii bishii November ka socotay magaalada.
Villa Somalia ayaa u baahan in maalinta doorashada ay dadweyne fara-badan isugu soo baxaan goobaha codbixinta, si dunida ay u tusto in ay qabatay doorasho xor iyo xalaal ah, inkastoo Siyaasiyiinta Mucaaradka ay dhalleeceeyeen hannaanka ay u maamuleyso doorashooyinka dalka.
Iyadoo doorashada ka dhaceysa Muqdisho ay tijaabo u tahay qorshaha ay Villa Somalia doorashada tooska ah ku gaarsiineyso dalka ayaa waxaa isaga haray inta badan Ururada Siyaasadda.
61 Urur Siyaasadeed ayaa horaantii sanadkan isku diiwaangeliyay doorashada, waxaana dib ka qaadacay 41 Urur Siyaasadeed.
20 Urur Siyaasadeed oo qura ayaa hadda ku tartamaya doorashadan, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, kaasoo sheegay in ururadan oo keliya ay soo gudbiyeen Musharaxiinta Doorashada Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa horaantii bishan sheegay in waxa ay Dowladda Federaalka waddo aan doorasho la dhihi karin, illaa iyo inta laga heshiinayo nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.


