Karin Johansson oo noqotay Safiirkii ugu horreyay ee Madaxweynuhu waraaqaha kaga guddoomo meel ka baxsan Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Dhuusamareeb u jooga dardargelinta hawlgalka militari ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Midowga Yurub, Karin Johansson.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu yiri "Danjiraha cusub ee Midowga Yurub oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa Somaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Karin Johansson ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Somaliya, gaar ahaan hawlgalada sifeynta Al Shabaab iyo sugidda amniga dalka, Madaxweynaha ayaana u xaqiijiyay Danjiraha in Dowladda Federaalka ay si buuxdo ula shaqayn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday."

Qoraal lagu daabacay bogga wararka ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in tani ay tahay mid taariikhiya, maadaama Karin Johansson noqonayso Safiirkii ugu horreyay ee Madaxweynuhu uu waraaqaha kaga guddoomo meel ka baxsan Xafiiskiisa Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho. 

Qoraalka ayaa lagu yiri "Madaxweynaha ayaa xusay tani waa mid taariikhi ah, taasoo muujineysa in Dowladda Federaalka ay gaari karto meelo ka baxsan Muqdisho. Waxaan halkan u joognaa inaan u adeegno shacabka Soomaaliyeed, dhammaan gobolada dalka.

Munaasabaddan ayaa imaanaysa, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay horumaro la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Galmudug iyo Hirshabelle."

Danjire Karin Johansson ayaa lagu soo bedelay Safiirkii hore ee Midowga Yurub ee dalka, Tiina Intelmann.