Kenya oo sheegtay in sideed Sarkaal ay ku weysay qarax ka dhacay meel ku dhow xadka

Taliska Booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa xaqiijiyay in sideed Sarkaal ay ku waayeen qarax ka dhacay meel ku dhow xadka uu dalkaasi la wadaago Somaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Waqooyi Bari, John Otieno ayaa sheegay in qaraxu uu burburiyay gaari ay la socdeen Saraakiishaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in qaraxu uu Talaadadii ka dhacay aagga Magaalada Garissa, gaar ahaan meel ku dhow xuduudda Somaliya, halkaas oo maleeshiyada Al Shabaab ay muddooyinkii ugu dambeysay weeraro ka gaysanayeen.

“Waxaan weerarkan ku weynay sideed ka mid ah Saraakiishayada Booliska." Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in weerarkaasi ay la xiriirinayaan maleeshiyada Shabaabka.

“Waxaan tuhunsanahay in tani ay tahay shaqada Al Shabaab, kuwaa oo beegsanaya gawaarida ciidamada amniga iyo kuwa dadweynaha.” Ayuu yiri Taliyaha.

Masuuliyiinta Gobolka Xeebta Kenya ayaa sheegay in isla Talaadadii qarax ka dhacay deegaanka Mararani ee gobolkaasi ay ku geeriyoodeen afar ka mid ah Ciidanka Difaaca Kenya.

Qaraxa oo ahaa mid lagu aasay waddada dhinaceeda ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamada Militariga.

Gobolka Xeebta, gaar ahaan kaymaha Boni ayaa waxaa ku firfircoon dagaal-yahano u dhashay dalkaasi, balse taabacsan Shabaabka Somaliya.

Waa dhimashadii ugu badneyd ee sanadkan gudahiis maalin qura loo gaysto Ciidamada Kenya ee ka hawlgala xuduudda.

Tani waxay imaanaysaa, iyadoo Militariga Kenya ay isku diyaarinayaan in ay Ciidanka Xoogga Dalka kala qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.