Khasaaraha qaraxyadii Suuqa Bakaaraha oo kordhay

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay korodhay tirada dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay qaraxyadii Talaadadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo lagu bartilmaameedsaday goobo ganacsi oo si gaar ah loo leeyahay ayaa waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadooda.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwo la dhigay goobahaasi ganacsi.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa laga soo xigtay in tirada dhimashada ay gaartay 12 qof, halka dhaawacana ay ku sheegtay 41 kale.

Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ayaa la geeyay meydadka afar qof iyo dhaawaca 32 qof, kuwaa oo dhammaantood dad rayid ah.

Sidoo kale Isbitaalka Madiina ayaa la geeyay sideed meyd iyo sagaal qof oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Maalintii 3aad ayaa waxaa xiran goobaha ganacsi ee Suuqa Bakaaraha, ka dib markii Dowladda Hoose ee Xamar ay ganacsatada ku soo rogtay canshuur dheeri ah.

Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, Xasan Cabdi Axmed (Xoogsade) ayaa Ciidanka Dowladda Hoose ku eedeeyay inay ku khasbayaan in ay bixiyaan lacago aan xaq loogu lahayn, haddii kalena ay quful ku dhejinayaan goobaha ganacsi.

Ganacsatada ayaa shalay suuqaasi ka dhigay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan canshuurta ay sheegeen in lagu dirqinayo inay bixiyaan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin xirnaanshaha suuqa ugu weyn ee dalka iyo cabashada ganacsatada.