Khayre oo ka guuray xaafadda Barmuuda, iyadoo uu wehliyo Mahad Salaad

Raysal Wasaarihii hore ee Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa duhurnimadii maanta ka guuray xaafadda Barmuuda ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii wada hadal lagu soo afjarayo dagaalka uu la galay Dowladda Federaalka.
Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa dib kaga biiray wada hadal saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ay hoygaasi kula lahaayeen Khayre, Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo odayaal dhaqan.
Wararka ayaa sheegaya in wada hadalka lagu go'aamiyay in Khayre uu ka guuro hoygaasi oo Talaadadii uu u soo guuray.
Mahad Salaad ayaa Khayre ka kaxeeyay gurigiisa xaafadda Barmuuda, lamana oga inuu dib ugu laabtay xeendaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo uu deganaa, ka hor inta aanu Talaadadii u soo guurin xaafaddaasi.
Xildhibaan Jacfar ayaa sheegay in ciidamada la kala qaaday, xaaladduna ay degan tahay.
In Khayre uu dib uga guuro Barmuuda ayaa waxay ka dhigan tahay in si guul leh lagu soo afjaray dagaalkii dhowr iyo tobanka saac ka socday bartamaha Muqdisho, inkasoo weli ay xiisaddu ka taagan tahay dhinaca Degmada Cabdicasiis ee waqooyiga Muqdisho.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa tan iyo xalay xaafadda Mirinaayo kula dagaalamaya taageereyaasha Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.


