Khilaaf soo kala dhexgalay Hirshabelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag uga horyimid qorshaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ee ay ku dooneyso in lagu mideeyo hannaanka maaliyadda ee labada gobol ee Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gadaal ka riixaya in canshuuraha ay qaadaan Maamulada Maaliyadda ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe la hoos geeyo Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle, si ay u maamusho dakhliga gudaha ka soo xarooda.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa 5-tii bishan xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha, Cali Cabdulle Nuur, isagoona jegadaasi u magacaabay Cabdiraxiin Ciise Caddow. Madaxweynaha ayaa is bedelkan sameeyay, ka dib markii uu garowsaday muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo dardargeliyo howlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda Maaliyadda, sida lagu sheegay wareegtada uu ku soo magacaabay Wasiirka cusub.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa qoraal ku sheegay inaanan xilligan la joogin, xilli laga hadlo in la mideeyo hannaanka maaliyadda ee labada gobol, haddii ay dagaal kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in canshuurta uu maamulkiisu qaado ay u adeegsadaan kabka hawlgalada ka socda gobolka, bacdamaa aanay ka maamul ahaan jirin ilo kale oo dhaqaale ay ka helaan.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay inaanu taageeri doonin in canshuurta bulshada gobolkiisa ay ku dhacdo gacan bilaa hubinti ah, isla-markaana uu ka hortaggayo in dadka deegaanka laga sii jeediyo dagaalkan ay isaga dulqaadayaan Al Shabaab.

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ku taliyay in la eego marxaladda ay ku jiraan dadka reer Hiiraan, isla-markaana aan shacabka laga leexin dhabaha ay maanta dib ugu xoreynayaan dhulkooda.

"Madaama ay muhiim tahay in ammaanada shacabka la xafido oo aan lagu takri-falin, laguna degdegin waxa danta guud ah, ayadoo loo eegayo si xilkasnimo ah duruufaha ay ku jiraan shacabka Reer Hiiraan awadeed." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri "Sidaas daraadeed ma jirto sabab aan waqti kaga dhumino shacabka oo dagaal kula jiro Khawaarijta, dhaqaalahooduna hooseeyo, wixii aan ku kabeynay miisaaniyadda dagaalka iyo kabka adeegyada maamulka in lagu bixiyo maanta, loona weeciyo wax qorshaheeda waqtiyeed aanan la hubin, kuna dhisan mustaqbal fog oo aan lahayn qorshe degsan oo dhab ah, midaas oo shacabka ku rideyso dhiig bax dhaqaale oo aan soo kabasho lahayn iyo dib u dhac maamul, oo sababi karo dayac amni oo baahsan iyo dib u noqosho cadowga hiil u ah."

Waxa kaloo uu yiri "Anigoo og in nidaamka dowliga ah uu yahay kala sarreyn, anigoo garowsan duruufaha jiro, waxaan rabnaa miisaaniyad cad oo daahfuran, midaas oo lagu kabayo horumarada deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta iyo kabka wax walbo oo cadowga lagu burburin karo."

Jeyte ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Shacabka reer Hiiraan waxay u baahan yihiin kabmo ee uma baahno kufin, waxaan la tacaalaynaa soo kabasho amni iyo mid dhaqaale, kumana darsan karno wax hoos u dhigayo midnimada ummadda, ayadoo la fiirinayo duruufaha lagu jiro, kuwii jiray iyo kuwo abuurmi karo, waxaana inoo furan hal jid oo ah la dagaalanka Khawaariijta, ma jirto wax ka hooseeyo oo aan ku qanci karno maanta iyo berriba."

Hadalka Jeyte ayaa imaanaya saacado uun ka dib, markii Gudoomiye Kuxigeenka Maaliyadda & Siyaasadda Gobolka Hiiraan, Xasan Ibraahim Cabdulle uu ku dhawaaqay laga bilaabo maalinimadii Isniinta in dhaqaalaha ka soo xarooda canshuurta gobolkaasi ay ku wareejiyeen Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle, tani oo macnaheedu yahay in wasaaraddu ay hadda ka dib maamuli doonto canshuurta gobolka.

Xasan Ibraahim ayaa tallaabada lagu mideynayo canshuurta labada gobol ku sheegay mid muhiim u ah dadka reer Hiiraan, isla-markaana ay ka dhaxli doonaan horumar ballaaran, sida dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee aasaasiga u ah bulshada.