Khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug oo hoos u dhacaya

Wararka ka imanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in uu ka soo reynayo khilaafka siyaasadeed ee Madaxda Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), isla-markaana ay u socdaan wada hadalo loogu kala dab qaadayo.

Horaantii bishan ayay ahayd, markii uu soo ifbaxay khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudg, ka gadaal markii ay isku qabteen musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ku meteli doona doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo bartamaha sanadkan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa halgan ugu jira, sidii uu mar labaad xafiiska ugu soo laaban lahaa, waxaase carqaladeynaya qorshaha Villa Somalia ee booskaasi lagu gaynayo shakhsi kale, waana xudunta khilaafka labada dhinac, ka dib afar sano oo Qoorqoor uu si dhow ula shaqeynayay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Federaalka ayaa boqolaal askari dhinaca dhulka ku gaysay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, iyadoo sidoo kalena ku guuleysatay in Saraakiisha Booliska iyo kuwa Hay'adda Nabad Sugidda Galmudug ay intooda badan ka horyimaadaan inay ka amar qaataan Madaxweyne Qoorqoor, taas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee soo korortay.

Madaxweyne Qoorqoor, xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo Duqa Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) oo sameeyay abaabul ballaaran oo ciidan ayaa magaalada soo geliyay ciidan isugu jira Daraawiishta Galmudug iyo ciidamo dadka deegaanka ah oo lagu abaabulay magaalooyinka qaar ee Galmudug, si looga hortago in nidaamka ka jira Galmudug la burburiyo.

Dhuusamareeb ayaa la soo sheegaya in hadda ay xaaladdeedu ka degan tahay middii maalmihii la soo dhaafay ka jirtay, ka dib markii uu hoos u dhacay cadaadiskii ka imanayay dhinaca Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, odayaal iyo ganacsato reer Galmudug ah ay dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ka shaqeynayeen, sidii loo dhamayn lahaa khilaafka Villa Somalia iyo Madaxtooyada Galmudug, loona dejin lahaa xiisadda ka soo korortay magaalada, iyadoo la xakameynayo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxtooyada Somaliya ay bedeshay mowqifkeedii ahaa in cudud ciidan lagu la wareego amniga Magaalada Dhuusamareeb, si fursad loo siiyo dadaalada nabadeed ee socda, laakiin aysan weli Madaxda Qaranka ka tanaasulin in la bedelo Hoggaamiyaha Galmudug.

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku adkeysaneyso inaanan Qoorqoor laga gacan siin dib u doorashadiisa, marka la gaaro doorashada madaxtinimada ee 9-ka bisha July laga qabanayo deegaanada Galmudug. Doorashada Hoggaanka Galmudug ayaa waxaa ka soo horreya, sida ku cad jadwalka Doorashada Golaha Deegaanka iyo tan Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Galmudug oo la qaban doono 20-ka bisha June iyo 2-da bisha xigta ee July.

Xildhibaanada iyo Senatorada laga soo doorto Gobolada Galgaduud iyo Mudug qaarkood ayaa laga soo xigtay in Qoorqoor aanu wax mushkilad ah ku qabin inuu waayo taageeradii Dowladda Federaalka, ha yeeshee aanu ogolaan doonin in doorasho natiijadeeda la sii saadaalin karo laga qabto gudaha Galmudug.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay is afgarad ka gaareen in Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay ku shaqeeyaan Dhuusamareeb, si halkaasi looga hoggaamiyo doorashada waqtiyada kala duwan laga qabanayo Galmudug.

Bulshada ku dhaqan Xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb ayaa kuu sheegaya in dadaalada lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada ay ka yareynayaan cabsida ugu weyn oo ay ka qabaan in lagu dul dagaalamo.

Dadka reer Galmudug ayaa ka mideysan in wada hadal lagu xaliyo khilaafaadka siyaasadeed, si aan loo wiiqin wadajirka dadka deegaanka, isu socodkooda iyo wada noolaashahoodaba.