Koonfur Galbeed oo Dowladda Federaalka weydiisan doonto in xilka laga qaado Wasiir Xasan Eelaay

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa maanta sheegay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Koonfur Galbeed uu codsan doono in Dowladda Federaalka ay xilka ka qaaddo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), sababo ku aaddan lug lahaanshihiisa dagaaladii Arbacadii iyo Khamiistii ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa tuhunsan in hoyga uu Wasiir Xasan Eelaay ku leeyahay Baydhabo loo adeegsanayay qalqalgelinta amniga. Hoygan ayaa ka mid ahaa goobaha ay sida adag uga dagaalameen ciidamadii taabacsanaa Cabdiraxmaan Maxamed Nishow oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa Khamistii la wareegay guriga Wasiir Xasan Eelaay, inkastoo aan la aqoon inay ku lug leeyihiin bililiqo loo gaystay iyo in kale.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Xeer Ilaalintu ay gacanta ku hayso baaritaanka doorkii uu Wasiir Xasan Eelaay ku lahaa wixii ka dhacay meesha, si uu masuuliyaddeeda u qaato.

"Kiiska Wasiirka ee wixii meesha ka dhacay masuuliyaddeedii inuu qaato ah, Xeer Ilaalinta Dowladda Koonfur Galbeed ayaa hadda howshaas ku jirto oo gacanta ku hayso." Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray in ay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre weydiisan doonaan in xilka laga qaado Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Wasiirka ayaa xusay in sidoo kale ay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka weydiisan doonaan in Xasan Eelaay laga xayuubiyo xasaanaddiisa Xildhibaanimo, maadaama uu yahay Mudane ka tirsan Golaha Shacabka, si ay ugu suurtagasho in ay sharciga la tiigsadaan.

Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in iyadoo nidaamka la raacayo ay Xeer Ilaalintu codsan doonto in Xasan Eelaay laga saaro xeendaabka dowladnimada, si ay ugu sahlanaato in loo maxkamadeeyo khasaaraha dhimashada iyo burburkaba leh ee dagaalku uu gaystay.

"Waan rajeynaynaa inuu caddaaladda maro." Ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo ballanqaaday in wasaaraddiisu ay fududayn doonto, waxa dhankeeda kaga xiran howsha baaritaanka.

Wasiir Xasan Eelaay waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan ee deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana si dhow loola xiriiriyaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo kursiga uu ku fadhiyo ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay HOP#126 laga soo doorto Jubbaland.

Lama oga, sida Maamulka Koonfur Galbeed uu Madaxda Dowladda Federaalka uga dhaadhicin karo in laga gacan siiyo, sidii ay maxkamad u soo taagi lahaayeen Xasan Eelaay.

Haddiiba ay dhacdo in Xasan Eelaay laga qaado jegada Wasiirka Xanaanada Xoolaha, waxa uu weli leeyahay xasaanaddiisa Xildhibaaninimada, taasoo ka difaaceysa in la ka maxkamadayn karo. Xildhibaanka ayaa xasaanadda looga qaadi karaa codayn ay sameeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana sida uu dastuurku qabo uu Xildhibaanku xasaanadda ku waayi karaa jebinta shuruucda dalka iyo ku xadgudubka xeerarka Baarlamaanka.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli xasaasi ah oo Xildhibaanadu ay ku kala qaybsan yihiin ajandaha ay Dowladda Federaalka ku codsatay in wax ka bedel lagu sameeyo shan ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG uu ka kooban yahay.