Koonfur Galbeed oo ka hadashay dagaalka culus ee ka dhacay Degmada Buurhakaba

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qirtay in dagaal culus uu saakay ka dhacay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay isku dayeen inay weerar ku soo galaan degmadaasi.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, Mustaf Macalin Isaaq ayaa sheegay in Shabaabku ay doonayeen inay carqaladeeyaan is bedelka horumarineed ee ka jira degmada, balse ay ciidamadu ka hortaggeen, isla-markaana ay fashiliyeen weerarkii ay la damacsanaayeen sida uu sheegay magaalada.
"Ciidanka Dowladda Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada oo Khawaarijta dhagartooda la socday ayaa iska difaacay, Ilaahay baana ku mahadsan ciidamada oo dhibaato iyo niyad jab u gaystay Khawaarijta." Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka oo wareysi siiyay KNN ayaa yiri "Sida aad la socotidba Khawaarijta meel walba oo horumar hiigsaneyso ma ogola. Bulshada Soomaaliyeed oo dhan sida ay la socotaba is bedel ayaa ka socday oo dhismooyin horumar leh, sida Garoonka Diyaaradaha iyo waxyaabo badan oo magaaladaasi horumar u leh, Khawaarijtana horumarkaas baa xanuun iyo dhibaato ku ah, oo ay neceb tahay bulshada Soomaaliyeed inay horumar gaarto oo ay iskaashato. Ilaahay baa mahad leh dhagartii ay maleegayeen waa la fashiliyay."
Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in weerarku aanu ku bilaaban, sida Shabaabka looga bartayba in marka ay meelaha weerarayaan ay iska soo hormariyaan gaadiid ay walxaha qarxa ku soo rareen, laakiin ay weerarka u adeegsaeen sida uu yiri hubka waaweyn.
"Weerarka kuma bilaaban qaraxyo gawaari ku xiran, laakiin hubka waaweyn sida sabanada iyo waxyaabahaas ayay ku soo galeen, dagaal xoogan buu ahaa, laakiin dhagartiisa lala socday. Dhowr jiho oo magaalada ah ayay ka soo galeen, sidaas oo kale laba waqti ayay ku soo noqdeen, dhowr jihana way ka soo weerareen, iyagoo hubka waaweyn adeegsanaya. Marka guul baa laga gaaray, wayna jabeen."
Mustaf Macalin Isaaq, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 xubnood oo Shabaab ahi lagu dilay dagaalka, isagoo intaasi ku daray in xubno kaloo badana laga dhaawacay.
"Hub u badan kuwa fududna waa laga furtay." Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed oo xusay in dhanka ciidamada ay ka geeriyoodeen dhowr askari, oo uu ku jiro Taliye Kuxigeenkii Daraawiishta Buurhakaba, Cismaan Xaaji Mursal (Kaarabiin) oo horkacayay sida uu yiri ciidamada.
Afhayeenka ayaa caafimaad u rajeeyay askarta ku dhaawacantay dagaalka, kuwaas oo aanu tiradoodu sheegin.
Dagaalkan oo ka dhacay afaafka hore ee magaalada ayaa qalqal ku abuuray dadka deegaanka, wuxuuna noqonaya weerarkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ay Shabaabku muddo dhowr sano ahi ku soo qaadaan Buurhakaba.