Koonfur Galbeed oo sheegtay in la soo afjaray hawlgalkii Baydhabo

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray hawlgalkii ay ciidamadu ka wadeen Magaalada Baydhabo ee illaa iyo shalay kula dagaalamayeen kooxo uu ku sheegay inay ahaayeen burcad isbaaraley ah.
"Waxaad ogtihiin saacadihii la soo dhaafay in Magaalada Baydhabo ay kooxo burcad oo mooryaan ah oo isbaaraley ah ay ka abuureen fadqalalo. Waxaad ogtihiin markii ugu horreysay inay weerareen Suuqa Xoolaha, halkaas oo dad ganacsato ah oo suuqaasi ku kala iibsanayay xoolaha ariga geela iyo lo'da inay weerar ku qaadeen, dad badan oo shacab ahna ay ku dhibaateeyeen, ka dibna ciidamada ammaanka ayaa ku baxay falkaasi, waxayna ka dib u carareen dhankaas iyo xaafad la yiraahdo Onodka, halkaas ayay haddana fadqalalo ka abuureen. Meeshaas ayaa haddana looga daba tegay, ka dibna waxay u soo dhuunteen dhanka bartamaha magaalada." Ayuu yiri Wasiirka oo galabta shir jaraa'id ku qabtay Baydhabo.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay si buuxda magaalada uga saareen kooxahaasi, isaga oo intaasi ku daray in kooxahan aysan ahayn kooxo mucaarad ah oo dhanka siyaasadda u janjeera.
"Waxaan u xaqiijinaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan in kooxahaasi fadqalalaha ka abuuray magaalada saacadihii la soo dhaafay ay ahaayeen kooxo isbaaraley oo burcad oo mooryaan ah, haba yaraatee aysan ahayn kooxo mucaarad ah ama wax siyaasad ah ku lug leh, inaysan ahayn." Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed.
Wasiirka oo u jawaabayay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee dhalleeceeyay maamulka ayaa yiri "Dadka siyaasiyiinta ah ee ka raadinaya nafiska siyaasadeed kooxahaasi burcadda ah, waxaan leenahay meeshaasi idinkama jirto. Nimankani waxay ahaayeen niman mooryaan ah oo shacabka dhibaateynayay oo shacabka dhacayay oo shacabka weerarayay oo guryaha dadka ugu daadanayay ayay ahaayeen."
Wasiir Bilaal ayaa cod dheer ku sheegay in Koonfur Galbeed ay ka masuul tahay badqabka shacabka, amnigooda iyo ilaalinta hantidooda, isla-markaana aan cidna laga ogolaan doonin in bulshada la kala qaybiyo.
"Waxaan ku celinaynaa oo xaqiijinaynaa badqabka shacabka Koonfur Galbeed Somaliya, nabadgelyadooda iyo ilaalinta hantidooda inay tahay waajib saaran Dowladda Koonfur Galbeed, waana ballan uu qaaday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, cidna aan laga ogolaaneynin amniga, wada noolaanshaha iyo wadajirka shacabka Koonfur Galbeed Somaliya inay ku ciyaarto. Gacan walba oo isku daydo inay ku ciyaarto amniga iyo wadajirka dadkan, waxay ogaaneysaa in la goyn doono oo la jari doono. Marna loo dulqaadan mayo in dadkan oo dhibaatadii ogeyd ka soo baxay oo maanta nolol, barwaaqo iyo mustaqbal ifayo uu u muuqdo in kooxo mooryaan oo burcad ah inta ay isa soo uruursadaan ay isku dayaan dadkeenna inay horumarkooda hor istaagaan." Ayuu yiri Bilaal.
Xaaladda Baydhabo ayaa haatan u muuqato mid degan, ka dib markii ciidamadu ay magaalada dibadda uga saareen ciidamadii taabacsanaa Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan ee lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Nishow.


