Koonfur Galbeed oo war ka soo saartay dilka carrada dhaliyay ee ka dhacay Wanlaweyn

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xalay war adag ka soo saartay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay tuulada Dudumaaye oo hoostagta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa falkan ku tilmaamtay mid argagax leh, isla-markaana ka dhan ah qiyamka bani'aadantinimada, nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
"Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in aysan marnaba aqbalayn falal noocan oo kale ah, laguna carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida shacabka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kooxaha falkaasi gaystay ay yihiin cadowga nabadda iyo horumarka bulshada.
"Dowladda Koonfur Galbeed waxaa si dhab ah uga go’an in ay baaritaan buuxa ku sameyso dhacdadan xanuunka leh, ayna caddaaladda horkeeni doonto cid kasta oo ku lug yeelata falkaas." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo lagu muujiyay inaysan jiri doonin cid ka baxsan doonta sharciga.
Maamulka ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan kooxaha ka shaqeynaya dib u dhacooda, isla-markaana ay si dhow ula shaqeeyaan hay'adaha ammaanka, si la isaga kaashado ka hortagga falalka ceynkani oo kale ah.
"Dowladdu waxay ugu baaqeysaa shacabka in ay ka feejignaadaan kooxaha doonaya in ay dhibaato iyo cabsi gelin ku fidiyaan bulshada dhexdeeda, isla-markaana ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortago falal noocan oo kale ah." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Kooxo hubeysan ayaa Jimcihii tuulada Dudumaaye si xun ugu jirdilay nin oday ahaa, kaas oo markii dambe ay gubeen. Dhacdadan ayaa si weyn u soo shaac-baxday Sabtidii, ka dib markii barraha bulshada la isku la wadaagay muuqaal laga arki kara falka argagaxa leh ee ay gaysanayeen kooxahaasi, oo lagu sheegay maleeshiyaad deegaanka u dhashay, isla-markaana ay ninka odayga ah u dileen aano qabiil.
Dhacdadan oo dadku ay ka argagaxeen ayaa dhalisay carro xoog leh.


