Koonfur Galbeed oo xal u raadineysa colaadda beelaha isku haya Diinsoor

Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed ayaa waddo dadaalo ay xal ugu raadineyso colaadda labada beelood ee muddooyinkanba ku dagaalamayay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale ayaa u tegay degmadaasi, sidii loo soo afjari lahaa colaadda beelaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Xaaji Xasan, oo ay wehlinayaan Wasiirada Amniga & Warfaafinta iyo xubno kale oo Saraakiil ciidan ay ku jiraan ayaa kulamo la leh Maamulka Degmada Diinsoor iyo odayaasha labada beelood ee wada dega degmadaasi.

Wasiiradan oo ay la socdaan Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa uruurinaya xogaha ku aaddan, waxa keenay in beeluhu ku dagaalamaan degmada iyo waxa ay kala tabanayaan, si looga baaqsado isku dhac dambe oo dhexdooda ah.

Odayaasha beelaha ayaa bogaadiyay dadaalada uu maamulku ku doonayo in xalka loogu helo colaadda labada beelood, inkastoo Madaxtooyada Koonfur Galbeed lagu dhaliilay inay ka gaabisay in si dhakhsa ah ay beelahaasi u kala dhex gasho.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor, Cismaan Macalin Cabdi oo ka hadlayay wafdiga soo gaaray degmadiisa ayaa sheegay inay u yimaadeen, sidii loogu kala dab qaadi lahaa beelaha ay dhiiladu u dhaxeyso.

"Ujeedada socdaalka wafdiga waa inay dersaan khilaafka labada beelood ee ka taagan Degmada Diinsoor, dhex galaan, isla-markaana ay xaliyaan." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa waxa kaloo uu "Waxaan Ilaahay ka rajeynaynaa sida ay u soo baxeen in Ilaahay uu wax noogu hagaajiyo, in badan ayaana idin sugeynay xaqiiqdii, shacabkana way idin sugayeen, dadka dhibaatada dhex taalana in badan ayay idin sugayeen."

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa odayaasha beelaha iyo bulshada degmadaba u sheegay inay ka go'an tahay in colaaddan ay soo afjaraan, iyana ay ka doonayaan inay la qaataan.

Cabdullaahi Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa sheegay in hadafkoodu uu yahay in xal waara laga gaaro colaadda beelaha is haya.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Cabdifitaax Cali Yuusuf ayaa bulshada reer Diinsoor ku bogaadiyay in ay nabadda ka wada shaqeeyaan.

Colaadda labadan beelood ayaa salka ku haysa arrimo is biirsaday, taas oo markii horena ka dhalatay dil loo gaystay nin ka mid ahaa dadka deegaanka, keentayna in beeluhu ay dad kale iska dilaan, isla-markaana ay si toos ah ugu wada dagaalamaan magaalada.

Siyaasiyiinta beelaha oo lagu eedeeyay inay hurinayaan colaadda ayaa qaarkood su'aalo ka keenay qaab dhismeedka Maamulka Degmada Diinsoor, iyagoona saluug ka muujiyay hannaanka awood qaybsiga beelaha ee maamulkaasi uu ku dhisan yahay.