Kooxo hubeysan oo 5 qof ku dilay dalka Kenya

Kooxo hubeysan ayaa maanta 5 qof ku dilay Gobolka Xeebta Kenya, ka dib markii ay weerareen laba tuulo oo ku yaala Koonfur Bari dalkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulooyinka Juhudi iyo Salama oo ka tirsan Ismaamulka Lamu, oo xuduud la leh Somaliya, sida laga soo xigtay Saraakiisha Booliska.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi ay sidoo kale gubeen guryo, hantina ay burburiyeen.

Nin 60 jir ahaa ayaa la sheegay in la suurad xumeeyay, ka dib markii ay qoorta kaga go'day xarig la sheegay in cunaha looga xiray.

Saraakiisha Booliska ayaa Wakaaladaha Wararka ee caalamiga u sheegay in saddex qof oo kale sidaan loo dilay, halka qofka shanaadna toogasho lagu dilay.

Hassan Abdul oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in haweenka dusha looga soo xiray guryaha, raggana lagu xirxiray dibadda, sidaana ay ku surgooyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Hassan Abdul ayaa sheegay in mid ka mida ragga la dilay uu ahaa arday Dugsi Sare dhigta.

Nin kale oo ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Ismail Hussein ayaa sheegay in kooxahaasi ay horey u sii qaateen raashiin, ka hor inta aysan ka bixin tuuladooda, iyagoo rasaas cirka u ridaya.

Booliska ayaa dhacdadan ku tilmaamay weerar argagixiso, waana oraah ay adeegsadaan kolka maleeshiyada Al Shabaab ay weerar ka gaystaan gudaha dalkaasi Kenya.

Dhanka kale Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa sheegtay inay ku dishay lix qof, kuwaa oo sida ay sheegtay aan Muslimiin ahayn.

Lamu oo ku dhow xuduudda Kenya la wadaagto Somaliya ayaa waxaa inta badan weeraro ka gaysta Shabaabka, si ay Kenya culeys ugu saaraan inay ciidamadeeda kala baxdo Gobolada Koonfurta, waana Militariga Kenya oo qayb ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.