Kooxo hubeysan oo haweeney ku dilay miyiga Degmada Baxdo

Wararka ka imanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay caawa haweeney ku dileen miyiga Degmada Baxdo ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan oo qaab beeleed u abaabulnaa ay weerareen hoyga qoyskaasi, isla-markaana ay dileen haweeneydaasi oo lagu magacaabayay Madiina Jimcaale Wehliye, sidoo kalena ay dhaawaceen wiil ay dhashay.

Marxuumadda ayaa waxaa meydkeeda gaari ambulance ah lagu keenay Degmada Baxdo.

Dhanka kale wararka laga helayo deegaanada ku dhow dhow xadka Gobolada Galgaduud iyo Mudug, sida Seego iyo Xiinlabi ayaa sheegaya in xaalad aad u kacsan ay ka jirto deegaanadaasi.

Dhacdadan ayaa sii hurineysa dilalka aanooyinka beelaha ee muddooyinkanba ku soo badanayay deegaanada Galmudug.

Maleeshiyaadka hubeysan ee beelaha ee dilalka gaysanaya ayaad arki kartaa in markan ay ku sii socdaan heer cid ay dhaafayaan aysan jirin, haddiiba ay hadaf ka dhiganayaan oo ay dilayaan hooyooyinka iyo carruurta.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaad mooddaa in ay xakameyn la'dahay dilalka aanooyinka beelaha ee bartamaha dalka ka noqday, sida tusbax go'ay oo kale.