Korneyl Aadan Rufle oo si kulul uga hadlay duqaymaha Kenya ka waddo Gobolka Gedo

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa si kulul uga hadlay weerarada dhinaca cirka ay Ciidanka Kenya ka gaysanayaan gobolkaasi.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi ayaa sheegay in Ciidanka Cirka Kenya ay gobolka ka wadaan sida uu yiri barakicin ballaaran, iyagoo si aan kala sooc lahayn duqaymo uga gaysanaya sida uu sheegay goobaha rayidka.

Korneyl Aadan Rufle ayaa tilmaamay in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ay Ciidanka Kenya duqaymo ka wadeen deegaanka Ceelcadde oo 60km u jirta Magaalada Garbahaarey. Duqaymahaasi ayuu sheegay in lagu burburiyay shirkaddii layrka siineysay dadka deegaanka iyo weliba ceelkii motorka ee ay dadku cabi jireen, waxa uu intaasi ku daray in sidoo kale ay Ciidanka Kenya burburiyeen illaa 40 guri.

"Saddexdii cisho ee ugu dambeysay duqayntii sidii bay uga socotaa Ceelcadde, dadku dab ma shito." Ayuu yiri Aadan Rufle oo la hadlayay Warbaahinta gudaha.

Waxa uu sheegay in dhibaatada aanay ku koobnayn Ceelcadde oo keliya oo maleeshiyada Al Shabaab ay maamulaan, balse sidoo kale ay Ciidanka Kenya ka gaysanayaan deegaano ay ka mid yihiin sida uu yiri Ceelgaduud, Wargaduudu, Qulqulshubaal, Tarako, Cowsqurun, Buusaar iyo Yaaqle.

"Dadka laga barakacinayo deegaanadaasi ayaan wax dab ah shidan karin oo hooyo foolatay isbitaal la geeyaa aanu jirin, baabuur socon karana uusan jirin, waxaa haysato marxalad masiibo ah oo Ciidanka Cirka Kenya uu ku hayo dadkaasi." Ayuu yiri Aadan Rufle.

Militariga Kenya ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeysay ay kordhiyeen weerarada dhinaca cirka ee ay ka gaysanayaan gobolkaasi, taas oo dadka qaarkii ay u fasirteen mid ay Kenyanku kaga jawaabayaan Shabaabka oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay sare u qaaday weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada Kenya ee dhaca xadka labada dal.

Kororka weerarada Shabaabka ayaa keenay in Kenya ay ku dhawaaqdo inay dib u dhigtay qorshihii socday ee dib loogu furi lahaa xadka labada dal.