Korneyl Mahdi Cumar oo sheegay inay soo afjarayaan hawlgalka waqooyiga Muqdisho

Korneyl Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku hanjabay inay xoog ku soo afjari doonaan xoogaga taageersan Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ee ka dagaalamaya xaafadda Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis ee waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Taliyaha oo gelinkii dambe ee maanta ka hadlay shir jaraa'id oo uu kaga warbixinayay hub laga la wareegay ciidamadii Ex Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ee dagaalka kaga jiray xaafadda Barmuuda, qaybteeda Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in hawlgalkii Barmuuda uu soo geba-gaboobay, haddana ay diiradda saarayaan hawlgalka kale ee Mirinaayo.
"Hawlgalkaanu waa qaybtii koowaad, qaybtii labaad waa dhiman tahay, waa Mirinaayo. Haddaan u soconaa Insha'Allah, waana la soo geba-gabeen doonnaa." Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa xoogaga isku uruursaday Mirinaayo ugu baaqay "Ciidamada meeshaas ku jiro waxaan leenahay qof kasta oo naftiisa iyo hubka uu haystaba la baxsada raba, Ciidanka Dowladda ee ka soo horjeeda ha u tago, hana isku dhiibo. Ikhtiyaar aan kaasi ahayn oo u bannaan ma jiro, qof kasta oo qori sharci darro haystana, fursad ayuu maanta haystaa, inuu yimaado oo uu yiraahdo qorigaanaa sharci darro ah oo aan haystaa ee ha laga iga qabto, haddii laguugu yimaado, gacan sharci ah ayaa laguugu qabanayaa, marka qori sharci darro ah lagugu yimaado."
Taliyaha ayaa xusay in ciidamadaasi ay haystaan fursad hal saac ama laba saac ah, isagoona kula taliyay inay taggaan Saldhigga Ciidanka Booliska Degmada Cabdicasiis, haddii kalena ay la kulmi doonaan cawaaqib daran.
"Waxaan marka farriintan farayaa wiilasha yaryar ee Mirinaayo ee la soo khalday ee qaar ka mid ah ay dhallinyaro yihiin ee loo adeegsanayo in dalkan iyo dadkan lagu dhibo, waxaan leeyahay fursad ayaad haysataan oo saacad ayaa idiin dhiman ama laba saacadood, hubka iyo qoryaha aad waddaan soo dhiiba, Saldhigga Degmada Cabdicasiis-na imaada, taasaan talo idiinku siinaynaa oo idiin faraynaa, haddii ay noqon weysana, sidaan aad maanta arkeysaan iyo si ka daran ayaad la kulmi doontaan." Ayuu yiri Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.
Taliyaha ayaa ku goodiyay in ciidamadaasi iyo madaxda ay la joogaanba aysan heli doonin wax cafis ah, haddii gacanta lagu soo dhigo iyagoo dagaalamaya.
"Maalinta gacan la idiinku soo dhigo, cafis ma jiri doono, maxaa yeelay waa la idin siiyay, cafis dambe oo haray ma jiro, marka gacanta la idiinku soo dhigo, haddii aad dirirtaan, haddaad madax tihiin iyo haddaad askar tihiin, dhammaantiiba." Ayuu yiri Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo intaasi ku daray "Waxaan idiin leenahay fursaddii ugu dambeysay ayaad haysataanee ka taxadara, hubkana soo dhiiba."
Hadalka Korneyl Mahdi Cumar ayaa loo fasirtay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay caawa mar kale weerari karaan hoyga Shariif Sheekh Axmed ee Mirinaayo.
Dagaalka Muqdisho ayaa carqaladeeyay mudaaharaadka ay Siyaasiyiinta Mucaaradku doonayeen inay maanta ka dhigaan magaalada.
Dowladda Federaalka oo sii ogeyd in mudaaharaadkan lagu diidan yahay muddo kororsiga madaxda sare ayaa qaadday tallaabooyin ay Ciidamada Qalabka Sida kaga hortaggayaan, taas oo soo dedejisay dagaalka.


