Kumaandooska Danab oo hawlgal ka fuliyay deegaanka Hantiwadaag ee Gobolka Shabellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa xalay gudaha u galay deegaanka Hantiwadaag ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoona halkaasi kula dagaalamay maleeshiyada Al Shabaab.
Deegaankan oo qiyaastii 30km dhinaca koonfur galbeed uga beegan Degmada Afgooye ayaa ah deegaan ay ku dhaqan yihiin dad beeraleyda ah, waxaana ka hawlgala maleeshiyada Al Shabaab.
Taliska Kumaandooska Danab ayaa sheegay in hawlgalku uu ahaa mid si qorsheysan la isugu dubariday, laguna bartilmaameedsaday maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab.
"Intii uu socday hawlgalka, Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa dilay sagaal (9) xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan hoggaankooda." Ayuu talisku ku sheegay war qoraal ah.
Warka ayaa lagu yiri "Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaalada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan Khawaarijta, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ku haya falal ay ka mid yihiin baad sharci darro ah, cabsi gelin, xarig iyo dilal."
Hawlgalkan ayaa ahaa mid lagu baarayay deegaanka, laguna sugayay ammaanka guud, si looga hortago falal liddi ku ah amniga gobolka oo ay maleegayeen kooxahaasi.
Taliska Danab ayaa ku celiyay in ay sii socon doonaan hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka, ciidamaduna ay awood u leeyihiin inay gaaraan goob kasta oo ay isku dayaan in ay gabaad ka dhigtaan.
Kumaandooska Danab ayaa bishan kordhiyay hawlgalada qorsheysan ee ay ka sameynayaan gudaha deegaanada Al Shabaab, iyadoona hawlgalada ugu badan illaa iyo hadda ka sameeyay Gobolka Shabellaha Hoose.


