Kumaandooska Danab oo hawlgal ka sameeyay deegaanka Leego

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Militariga Somaliya ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Leego oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoona ka sameeyay hawlgal amni xaqiijin ah.
Ciidanka Danab oo wata gaadiidka dagaalka, kana soo dhaqaaqay Taliskooda Ballidoogle ayaa isku fidiyay Leego, iyadoo tuulooyinka hoostaga Leego ay gabaadsanayaan maleeshiyaadka beelaha ee isbaarooyinka dhigta waddada laamiga ee isku xirta Wanlaweyn, Yaaq-bariweyne iyo Leego.
Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo ku sugan xaafadaha Leego, kana sameynaya hawlgal baaritaano amni, hubinta gaadiidka iyo in dadweynaha lagu dhex jiro iyo in kale.
Taliska Kumaandooska Danab ayaa qoraal ku sheegay in ujeedada hawlgalka uu ahaa xaqiijinta amniga iyo nabadgelyada guud.
"Hawlgaladan ayaa ujeeddadoodu ahayd in laga hortago weeraro ay maleeshiyaadka qorshayn karaan, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan, si loo sugo badbaadada shacabka iyo goobaha cibaadada." Ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo aan lagu xusin cidda ay yihiin amaba ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadkaasi.
Deegaanada ku xeeran Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa tan iyo daba-yaaqadii bishii November ka socday hawlgal ay Ciidanka Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Xoogga Dalka iyo Booliska Degmada Saldhigga Degmada Wanlaweyn kula dagaalamayaaan kooxaha isbaaraleyda.
Hawlgalka lagu la dagaalamayo isbaaraleyda ayaa waxaa barbar socda hawlgal kale, oo ay ciidamada lagu faray inay nolol ama geeri ay ku keenaan dhowr iyo toban nin oo ka kala tirsan maleeshiyaadka beelaha ee deegaanada Yaaq-bariweyne iyo Dudumaaye, kuwaas oo 22-kii bishii November ay Maxkamadda Militariga ku xukuntay dil toogasho, iyaga oo ka maqan gacanta sharciga. Maxkamadda ayaa xubnahaasi ku heshay inay aano qabiil u dileen dad masaakiin ah.


