Kumaandooska Gorgor oo fariisimo cusub ka sameystay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka ayaa fariisimo cusub ka sameystay deegaanka Sumadaale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii Talaadadii ay dib uga saareen maleeshiyada Al Shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa shalay sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay burburiyeen fariisimihii iyo godadkii gabaadka u ahaa maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay ku guuleysteen inay ka saaraan deegaankaasi.
"Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa haatan sii wada hawlgalada lagu xaqiijinayo amniga deegaanka, iyadoo sidoo kale uu sii socdo baacsiga maleeshiyaadkii iyo horjoogeyaashii goobta ka firxaday." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay.
Ciidanka Ururka 9aad, Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa fariisimo ka sameystay duleedka deegaanka Sumadaale oo hoostaga Degmada Cadale, si halkaasi looga ilaaliyo amniga degmadaasi oo ka mid ah Degmooyinka Hirshabelle ee laga qabanayo doorashada qof iyo codka.
Taliyaha Guutada 18aad, Qaybta 1aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Aadan Maxamed Faarax ayaa muujiyay in ciidamadu aysan sii joogi doonin deegaankaasi, haddii ay heleen xog ku saabsan meel ay Shabaabku joogaan.
Taliyaha oo la hadlay Raadiyaha Ciidamada ayaa shacabka ugu baaqay inay iska dulqaadaan cadowga, isla-markaana ay la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka.
Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa ka socdo hawlgalo ay ciidamadu cadaadis militari ku saarayaan Al Shabaab, si maleeshiyadu aysan u carqaladayn doorashada ay dadweynaha ku soo dooranayaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Hirshabelle.
Shabaabka ayaa Sumadaale qabsaday bishii March ee sanadkii hore, waana intii ay socdeen weeraradii ay bishii February ka bilaabeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe ee socday illaa bishii April ee sanadkaasi.
Weeraradan oo ahaa kuwo ka yaabiyay dadka deegaanka ayay Shabaabku xilligaasi ku qabsadeen Degmooyinka Ceelbaraf, Alkowsar, Aadan Yabaal iyo deegaano kaloo badan oo dhaca bariga gobolkaasi.


