Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo booqday Saldhigga Warta Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kormeeray Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u kuurgelayay xaaladda saldhiggaasi, ka dib dhacdadii is rasaaseynta ahayd ee Arbacadii halkaasi ku dhex martay Ciidanka Booliska iyo Ilaalada Siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa warbixin ka siiyay burbur ay sheegeen in saldhigga uu soo gaaray, iyagoo Ciidanka Siyaasiyiinta Mucaaradka ku eedeeyay in sidoo kale ay waxyeelo u gaysteen gaadiid saldhigga yaalay.

Gudoomiye Aadan Madoobe oo intaasi ka dib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda uu ka muuqdo raadadkii ay ka taggeen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay oo kale, isagoona sheegay in uu ka xun yahay dhacdadii shalay galab.

"Xabadaha aan u jeedo maanta ee saldhiggan ka muuqdo dagaaladii sokeeye Ilaahay naguma celiyee wixii la soo maray aan ku arki jirnay magaalooyinka dagaalka ka dhacay oo kale loo maleynayo, markii darbiga iyo albaabka la arko. Aad iyo aad ayaan uga xumahay" Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Waxa kaloo uu yiri "Mana ka filaynin dad dalkan xilal waaweyn ka soo qabtay inay waxaas camal ka suuroobayaan ayaga iyo dad la socdo, Walaahi ma filaynin, aad iyo aad ayaan uga xumahay taas."

Aadan Madoobe ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ku jiraan Raysal Wasaareyaal hore iyo Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uga digay inay ku kacaan falkan oo kale.

"Waxaan leeyahay dhacdadan waan u jeednaa maanta inaanan loo noqonin waxaan oo kale iyo wax la mid ah in laga fiirsado." Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa iyagu sheegay in ay saldhiggaasi ku booqanayeen muwaadiniin la soo xiray, balse ay xabad kala kulmeen askarta ku sugan.

Goobjoogeyaasha sida ay sheegeen iyo sida muuqaalada laga arki karayba, askarta ku sugan saldhigga ayaa lahayd gacanta hore ee rasaasta, falcelinta ka dhalatayna ay ahayd tan keentay in xabaddu ay labada dhinacba ka dhacdo, goobtana lagu kala cararo.

Tani ayaa waxay noqoneysaa is rasaaseyntii ugu horreysay ee Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Ilaalada Madasha Samatabixinta ay ku dhex marto meel ka mid ah dalka, ka dib muddo ay labada dhinac isku hayeen khilaaf ka dhashay doorashada la doonayo in dalka laga qabto sanadka soo socda.