Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta Magaalada Boosaaso ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin Anderson iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga la dagaalanka argagixisada ee gobolka iyo wadashaqeynta ay labada dhinac ka leeyihiin amniga badaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

"Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga la dagaalanka argagixisada ee gobolka, gaar ahaan dhameystirka Hawlgalka Argagixisada Daacish looga sifeynayo Calmiskaad iyo wadashaqeynta amniga badaha (Maritime Security)." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxa kaloo lagu yiri "Dowladda Mareykanka ayaa ku bogaadisay Dowladda Puntland ka go’naanshaha iyo adkeysiga Ciidanka Puntland ee ciribtirka argagixisada Daacish. Dowladda Puntland ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Dowladda Mareykanka, gaar ahaan Hawlgalka AFRICOM taageerada joogtada ah iyo doorkooda hawlgalka."

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay oo dhinaca Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur, Taliyaha Ciidanka PMPF, General Cabdirabi Cabdisamad Maxamed iyo masuuliyiin kale. Dhankiisa waxaa Taliyaha AFRICOM kala qaybgalay Safiir Kuxigeenka Mareykanka ee Somaliya, Justin Davis, diblomaasiyiin iyo saraakiil kaloo ciidan.

Kulankan ayaa imanaya, xilli Hawlgalka AFRICOM uu muddooyinkan kordhiyay weerarada xagga cirka ee Ciidanka Puntland lagaga gacan siinayo dagaalka ay ku hayaan maleeshiyada Daacish.

Duqaymaha ayaa muhiim u ah in ciidamadu ay ku sii socdaan dhulka yar ee ay haatan maleeshiyadaasi kaga sugan tahay Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Daacish oo muddo 10 sano ah ka hawlgaleysay gobolkaasi ayaa wajaheysa xaalad ciriiri ah, waana culeyskii ugu weynaa ee ka soo fuula dhinaca Puntland.

Ciidamada oo 11 oo xiriir ah dagaal kula jira maleeshiyadaasi ayaa ka saaray qaybaha bariga iyo bartamaha ee Calmiskaad, waxayna hadda baaqi kaga sii yihiin daanteeda galbeed.

Puntland ayaa u muuqato mid diidan in Daacish ay hesho fursad ay dagaal-yahanadeeda dib isaga soo abaabuli karaan.