Laamaha amniga Muqdisho oo digniin u jeediyay dadka wax ku qora barraha bulshada

Laamaha amniga ayaa digniin adag u jeediyay dadka wax ku qora barraha bulshada ee loo arko inay maleeshiyada Al Shabaab kala shaqeynayaan wararka lagu qalqalgelinayo amniga Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay inaanan qofna laga aqbali doonin in uu bartiisa u adeegsado goob lagu taageero Al Shabaab.

"Cid laga aqbalayo ma jirto inay barrahooda bulshada ku soo qorto been abuur ay ku saacideyso Khawaarijta, marnaba ma aqbalayno." Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo ku howlan qalqalgelinta bulshada ku nool Caasimadda Muqdisho.

"Wiil Xamar jooga oo hotel dhex fadhiya uu waxaan macno lahayn ka soo qaado shacabkii caasimadda ku noolaa uu qalqalgeliyo, lagama yeelo. Asaga hadda dhiig kama socdee dhididaa ka keenaynaa, qol mugdi ah ayaan ku xiraynaa Insha'Allah." Ayuu yiri Taliyaha oo hadalkan ka sheegay kulan afur wadareed ahaa oo xalay uu kaga qaybgalay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay inaysan dooneyn in af lagu soo nooleeyo sida uu yiri Khawaarijta.

"Waxaan xoojinaya Taliyaha Qaybta Guud warkiisa, oo uu lahaa ammaanka ciyaar ciyaar ma galo. Annaga Maamulka Gobolka Banaadir ayaan nahay, hay'adaha ammaanka iyo annaga isku midaa nahay, gobolkan horumarkiisaa ka shaqaynaa, ammaankiisaa nala raaciyay, bulshada inaan u adeegnaa nala raaciyay, dowladnimada magaaladan inaan dadka gaarsiino ayaa nala raaciyay." Ayuu yiri Gudoomiye Yabooh oo dadka wax ku qora bulshada bulshada iyo siyaasiyiinta uga digay inay faafiyaan warar ay wax ku qalqalgelinayaan.

Yabooh ayaa shacabka ku booriyay inay la shaqeeyaan hay'adaha ammaanka, maadaama ay Shabaabku yihiin sida uu sheegay cadowga nabadda.

Digniintan ayaa imaneysa saacado ka dib, markii Golaha Wasiirada ay soo saareen go'aamo culus oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Golaha ayaa shacabka u jeediyay digniin adag oo lagaga dalbanayo inaysan la macaamilin kooxaha argagixisada, isla-markaana ay ka fogaadaan meelaha ay ku sugan yihiin kooxahaasi, si aysan waxyeelo uga soo gaarin weeraro xagga cirka ah oo lagu qaadi doono dhulka ay maamulaan.