Laamaha amniga oo awaamiir ku soo rogay Magaalada Guriceel
Taliska Saldhigga Booliska Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa soo saaray awaamiir lagu xaqiijinayo nabadgelyada magaalada, ka dib dilkii xalay magaaladaasi loogu gaystay ganacsade Deeq Cabdi Jaamac.
Magaalada ayaa xalay laga dareemay xaalad kacsanaan ah, inkastoo saacado ka dib ay ku soo laabatay sideedii hore, ka dib markii ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen eedeysane Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye, oo si dhow loola xiriiriyay dilka ganacsadaha.
Taliska Saldhigga Guriceel ayaa sheegay in laga bilaabo maanta aan magaalada lagu dhex kaxeysan karin gaadiidka leh muraayadaha madow iyo kuwa kale ee aan taarikada lahayn.
"Gaadiidka leh muraayadaha madow ama aan la aqoonsan karin waxay keenaan caqabado amni, waxayna adkeeyaan in la garan waayo dhaqdhaqaaqyada khatarta leh, la socodka dembiyada iyo ilaalinta badqabka shacabka." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu talisku soo saaray.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tani looga gol leeyahay sugidda amniga guud ee shacabka iyo hantidooda, ka hortagga dhaqdhaqaaqyada shakiga leh & falalka liddiga ku ah amniga, in la helo muuqaal cad oo sahlaya baarista & shaqada ciidanka amniga iyo in la yareeyo gaadiidka aan la aqoonsan karin ee loo adeegsan karo falalka amni darrada.
Warsaxaafadeedka ayaa digniin adag loogu jeediyay cid kasta oo jebisa awaamiirta amniga iyo inay iyadu si buuxda u qaadi doonto, wixii cawaaqib ah ee ka dhasha.
"Taliska Booliska Degmada Guriceel wuxuu ogeysiinayaa in gaari kasta oo lagu qabto isagoo wata muraayado madow oo aan sharciyeysneyn ama aan lahayn taargo sax ah, waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka amniga ee degmada, waxaana suurtagal ah in gaariga la xanibo, la ganaaxo ama lagu sameeyo baaritaan amni oo dhameystiran. Cid kasta oo jebisa amarkan waxay si buuxda u qaadi doontaa masuuliyadda ka dhalata." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa dadka deegaanka loogu baaqay "Taliska Booliska Guriceel wuxuu ugu baaqayaa shacabka, darawalada iyo ganacsatada gaadiidka inay u hoggaansamaan amarkan cusub, lana shaqeeyaan ciidamada amniga, una istaagaan ilaalinta nabadgelyada magaalada. Amniga ilaalintiisa waa masuuliyad wadareed."
Ciidamo uu horkacayo Laba Xidigle Xasan Cusubow, Taliyaha Saldhigga Guriceel ayaa maanta la arkayay, iyagoo waddooyinka magaalada qaarkood gaadiidka uga fujinaya bacaha madow ee beensalka ee ku xiran muraayadaha baabuurta.
Taliye Xasan Cusubow ayaa isku dayaya in gacan adag lagu qabto amniga magaalada, ka dib markii dhowr cisho ka hor uu la wareegay shaqada Saldhigga Booliska Guriceel.




