Laamaha amniga oo baaraya weerar gaadmo ah oo Shabaab ka gaysteen Muqdisho

Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaa wada baaritaano ku aaddan weerar gaadmo ah, oo maleeshiyada Al Shabaab ay goor dambe oo xalay ahayd ka gaysteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Shabaabka ayaa weerarkan la beegsaday bar kontorool oo Ciidanka Polizia Militare ay ku lahaayeen degmadaasi, iyadoona dhinacyada uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in abaare 7:30 subaxnimo ee saakay ay maqleen qarax xoogan, kaas oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo ciidamada lagu la eegtay goob ay ku sugnaayeen. Weerarka iyo qaraxii xigayba waxay ka dhaceen xaafadda Baydhabo Yarey ee degmadaasi, oo ciidamaduna ay ku leeyihiin bar amniga lagu sugo.

Weerarka oo u muuqday mid abaabulan ayaa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaaray askarta, inkastoo aan xog dhab ah laga lahayn inta uu khasaaruhu le'eg yahay, balse Al Shabaab ayaa sheegtay in maleeshiyadeeda ay weerarka ku dileen lix askari, saddex kalena ay ku dhaawaceen. 

Shabaabka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in askarta goobta lagu dilay uu ka mid ahaa taliyihii haystay barta kontorool, kaas oo ay sheegeen in lagu raadjoogay.

Saraakiil ka tirsan Hay'adda Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Booliska Soomaaliyeed oo tegay halka ay wax ka dhaceen ayaa horkacaya baaritaan la xiriira, sida uu ku dhacay weerarka qorsheysan iyo haddii ay jirto gacan gudaha ah oo fududeysay weerarka, si dersi looga kororsado, dibna aanu u soo laaban weerar la mid ah.

Ciidanka Polizia Militare ayaa qayb ka ah ciidamo isku dhaf ah, oo bishii April lagu wareejiyay amniga Caasimadda Muqdisho.

Ciidamadan ayaa isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare, kuwaa oo loogu magac-daray Ciidanka Xasillinta Muqdisho, hawlgalkooduna uu la magac-baxay (Hawlgalka Ciiltire). Hawlgalkan ayaa ah mid lagu la dagaalamayo Al Shabaab, kooxaha burcadda/ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada muqaadaraadka.

Polizia Militare ayaa lagu ammaanaa kuwo wax weyn ka bedelay xaaladda amni ee magaalada, iyadoo aad arki karto sida uu uga soo reynayo amniga Muqdisho, muddada ay qaybta ka ahaayeen dadaalada lagu xaqiijinayo nabadgelyadeeda.