Laamaha amniga oo ciidamo ku soo daadiyay waddooyinka Muqdisho, si dibadbaxayaasha loo xakameeyo

Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaa caawa ciidamo ku soo daadiyay waddooyinka Magaalada Muqdisho, si loo xakameeyo dadka doonaya inay Axadda bannaanbaxa ka dhigaan caasimadda.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidamo wata gaadiidka dagaalka lagu arkayo waddooyinka magaalada, isla-markaana ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan meelo ka mid ah Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay soo dul deggeen guryaha ay Siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood ka degan yihiin magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hay'adaha ammaanka ay bartilmaameedka ugu weyn ka dhiganayaan hoyga Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed oo maanta u guuray xaafadda Mirinaayo ee waqooyiga Muqdisho.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo duubay muuqaal isagoo ku sugan hoyga Madaxweynihii hore ee dalka, isla-markaana uu ku sheegayo in Dowladda Federaalka afarta jiho ciidamo ka soo dhigtay hoyga Shariif Sheekh Axmed.

"Saacaddan aan idiin la hadlayo guriga aan joogno ayay ciidamo meel kasta ka soo dhigeen, waddada ayay xireen, caro iyo dhegxaan ayay ku gooyeen, beebeyaal ayayna ku xireen." Ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed.

Xildhibaanka ayaa ka digay "Waxaan rabnaa ummadda Soomaaliyeed inaan u sheegno, wixii caawa halkan ka dhaca inuu sababteeda uu leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo aan ogsoonahay afar sano ka hor halkan inuu ka qaylinayay, xabadaa igu socoto ha la ii soo gurmado uu lahaa, uuna lahaa xaq dastuuri ah ayaan u leeyahay inaan mudaaharaado, uu lahaa Madaxweyne talada waan kula leenahay ee dhig uu lahaa."

Gama’diid oo sii hadlayay ayaa yiri "Madaxweyne waa ayaan darro, waana nooc waalida ka mid ah waxaad shalay diidaneyd, oo adiga aad ka qaylineysay caawa inaad ciidamo ku soo amreyso, iyadoo muddo xileedkaga ay afar maalmood oo keliya ka harsan tahay."

Shariif Sheekh Axmed ayaa Arbacadii iclaamiyay mudaaharaad ka dhan ah guryaha, sida sharci darrada ah looga la wareegayo dadka reer Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa waxay ogolaatay in mudaaharaad nabadeed ay dadku ku qaban karaan Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow oo keliya, laakiin tani ayaa liddi ku ah qorshaha mucaaradka ee ku aaddan inay 22 goobood dibadbaxa ku qaban doonaan.

Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo galabta ka soo muuqday shir jaraa'id oo wadajir ah ayaa sheegay inaanay dowladdu aqbali doonin in la carqaladeeyo nabadgelyada Muqdisho.

“Dowladda Somaliya ma aqbaleyso in la carqaladeeyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan dalka, gaar ahaan caasimadda oo ku yimid dhiigga Ciidanka Soomaaliyeed iyo canshuurta shacabka.” Ayuu yiri Wasiirka oo ka garab hadlayay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ayaa weli ku adkeysanaya 22-ka goobood ay qorsheeyeen inay dadweynuhu isugu soo baxaan.