Laamaha amniga oo la wareegay guri ku yaala duleedka Muqdisho oo hoobiyeyaal laga soo tuuray
Gurigan oo ku yaala deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in maanta laga soo tuuray tiro hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay gudaha magaalada.
Hoobiyeyaasha oo duhurnimadii maanta lagu weeraray Garoonka Aadan Cadde ayaa ku dhacay aagga garoonkaasi, lamana soo sheegin cid wax ku noqotay.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo shir jaraa'id ku qabtay gurigaasi ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay soo ogaadaan goobta ay maleeshiyada Al Shabaab weerarkaasi ka soo qaadday.
Afhayeenka ayaa halkaasi ku soo bandhigay gumaca qoriga hoobiyaha oo aan qarxin iyo alaabo kale oo macmal ah oo sida uu sheegay loogu talagalay in hoobiyeyaasha lagu qarxiyo oo gurigaasi laga helay.
Afhayeenku ma sheegin cid falkaasi loo soo qabtay, marka laga soo taggo in lagu raadjoogo kooxdii ka dambeysay oo ka baxsatay goobta.
Doodisho ayaa tilmaamay in dowladdu ay la wareegeyso gurigaasi, illaa iyo inta laga soo qabanayo kuwii ka dambeeyay weerarkaasi.
"Waxaa kaloo xusid mudan in maanta gurigii ama goobtii laga soo tuuray hoobiyaha ay Khawaarijtu u diyaarisay inay u isticmaasho goob ay dadka shacabka ah ku dhibaateyso in ciidamada ammaanka haatan ku sugan yihiin, waxaana la rajeynaya in dowladdu ay la wareegto, illaa iyo inta si cad gacanta loogu soo dhigayo dadkii falkaasi ku lugta lahaa." Ayuu yiri Doodisho.
Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Ciidanka Xasillinta Muqdisho ay si weyn u adkeeyeen amniga magaalada, sababo ku aaddan munaasabadaha toddobaadka xorriyadda oo caawa dalka ka bilaabaneysa.
Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in lagu qabto munaasabad lagu xusayo 26-ka June oo ku beegan, markii Gobolada Waqooyi ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.












