Laamaha amniga oo war ka soo saaray qaraxyo laga maqlay Muqdisho

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa war ka soo saaray jug is xigxigtay oo xalay laga maqlay qaybo ka mida Magaalada Muqdisho.
Taliska ayaa qoraal ku sheegay in jugtaasi ay ahayd qaraxyo macmal oo dheemish ah, isla-markaana aanay jirin cid wax ku noqotay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in goobaha qaarkood laga hortegay waxyaabihii la dhigay, iyagoo aan qarxin.
"Waxaan ku wargelinaynaa shacabka ku nool caasimadda in wax khasaare ah aysan gaysan dhawaqa la maqlay, oo ahaa qaraxyo dheemish ah oo cadowga ummadda Soomaaliyeed uu ku qalqalgelinayo shacabka muslimiinta ah oo ku jiray waqtigii afurka, goobaha qaar waxaa laga hortegay waxyaabihii ay dhigeen iyagoo aan qarxin." Ayaa lagu yiri qoraalka.
Horaan, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay qaraxyadaasi dheemishka ah uga dan leeyihiin in ay ku qalqalgeliyaan dadka reer Muqdisho.


