Laba nin oo ka soo goostay Shabaabka Jamaame oo isu soo dhiibay ciidamada
Laban nin oo dhallinyaro ah, isla-markaana watay laba qori ayaa maanta isu soo dhiibay Ciidamada Militariga iyo kuwa Jubbaland ee degan deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.
War qoraal ah oo lagu sheegay bogga wararka ee Danab ayaa lagu sheegay in raggan ay isu soo dhiibeen Ciidanka Kumaandooska Danab, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Jubbaland.
"Xubnahan ayaa watay laba qori oo kala ah AK47 iyo BKM, waxayna ka soo goosteen deegaanka jiinka webiga ee Magaanbow oo ay Khawaarijtu ku dhumaalaysanayeen." Ayaa lagu yiri warka.
Magaanbow ama Mugaanbow ayaa ah mid ka mid ah deegaanada dhaca jiinka Webiga Jubba ee hoostaga Degmada Jamaame.
Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay in ragga isu soo dhiibay ciidamada ku sugan Baar Sanguuni lagu kala magacaabo Axmed Mustaf Aadan iyo Ismaaciil Aadan Ibraahim.
Telefishinka ayaa ku waramay in ciidamadu ay hayeen xiriirka raggan ee inay isa soo dhiibi doonaan.
Ciidamada isbahaysanaya ayaa muddooyinkan hawlgalo sifayn ka ah ka waday deegaanada hoostaga Degmada Jamaame, oo Shabaabku ay leeyihiin dhufeysyo ay ka difaacayaan degmadaasi.





