Laba nin oo lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho

Ciidamada amniga ayaa siyaabooyin kala duwan gacanta ugu soo dhigay laba nin, oo loo haysto in ay dhac iyo jirdilba ka gaysteen Magaalada Muqdisho.

Ninka hore oo lagu hayo Saldhigga Booliska Degmada Hodan ayaa lagu soo eedeeyay in uu ka mid ahaa rag ku labisnaa dareyska ciidamada, kuwaa oo Sabtidii shalay dhac ka gaystay goob ganacsi oo lagu magacaabo Gaashaan 2, kuna taala Degmada Hodan.

"Muqaalka falka dhaca ahaa oo ku baahay barraha bulshada ayaa u suurtagashay Saldhigga Booliska Degmada Hodon inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha 1aad oo hubka la galay dukaanka, dhacayna muwaadiniinta Soomaaliyeed, walow kuwii kale lagu raadjoogo. Cadadka teleefoonada ee lagu eedeeyay inay dhaceen ayaa ahaa illaa 3 mobile, oo kala ahaa A32, A13 iyo A33. Ummadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu uu gacanta booliska ku jiro, caddaaladana uu wajahayo." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Ninka labaad ee la soo bandhigay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa koox dhallinyaro ah oo mindiyo ku hubeysnaa, isla-markaana Waaxda 1aad General Daa'uud ee Degmada Wadajir ku jirdilay darawal mooto bajaaj.

"Waxayna isku dayeen inay dhac u gaystaan, iyagoo kala baxay haadka iyo taarikada dambe ee mooto bajaajta." Ayaa lagu yiri qoraal caweyskii caawa ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in eedeysane Xasan Faysal Shaacir loo hayo kooxdii jirdilka iyo dhacaba u gaysatay dhibane Cabdullaahi Cismaan.

"Hadda wuxuu ku jiraa gacanta ciidanka si baarista loo dhameystiro, waxaana la horgeyn doonnaa maxkamadda awoodda u leh, si uu caddaaladda u wajaho." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxaha burcadda iyo ciyaal weerada ee xilliyada habeenkii dadka ku baarta xaafadaha magaalada ayaa qayb ka ah caqabadda amni ee ka jirta Caasimadda Muqdisho.