Laba qof oo midi ay haweeney tahay oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Dadkan ayaa xalay lagu dilay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ka dib markii rag hubeysan ay rasaaseeyeen gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen.
Dhacdadan ayaa ka dhacday inta u dhaxeyso Beerta Bilan iyo Xerada/kaamka Tawakal ee waqooyiga Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in labada qof ee dhintay ay kala yihiin darawalkii gaariga iyo haweeney la socotay.
Darawalka oo lagu magacaabi jiray Saciid Guure Cali Baar ayaa la sheegay in uu ahaa taksiile caan ka ahaa Magaalada Gaalkacyo. Haweeneyda lala dilay ayaa iyana lagu magacaabayay Canab Burhaan Maxamed.
Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka gaystay ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan goobta, ka hor inta aysan soo gaarin ciidamada amniga.
Ciidamada amniga ee Puntland ayaa waxaan jirin cid la ogyahay oo ay falkaasi u soo xireen.
Inkastoo hay'adaha ammaanka aysan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaasi, haddana dadka deegaanka ayaa dilka darawalka si dhow ula xiriirinaya aanooyinka qaba'ilada oo muddooyinkanba ku soo badanayay waqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ay maamusho.
Maleeshiyaadka beelaha ee dilalka gaysta ayaa aalaaba beegsada dadka macnaha u leh bulshada, iyaga oo uga aargudanaya dil horey loogu gaystay xubin ama shakhsiyaad ka mid ahaa beelahooda, iyaga oo aan u eegeyn sifooyinka ay ku dhinteen, balse ay keliya doonayaan in ay uga aargudaan dadka qiimaha u leh bulshada, xilli wax ay galabsadeen aanay jirin.